1: Thursday, December 6, 2012 - 17:19:27
2: 24 Jeer.

Golaha wasiirada oo go,aamiyay in dib loo bilaabo dhoofinta Xoolaha ee dekadda Muqdisho.

Waxaa Qoray:


Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta isku raacay in dib loo bilaabo dhoofinta Xoolaha ee dekadda Muqdisho.

Kadib shir gaar ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya islamarkaana uu shir guddoominayay R/Wasaaraha dalka Cabdi Faarax ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan xaaladda dalka iyadoo Xubnaha Golaha ay isku raaceen in Dekadda Muqdisho dib looga bilaabo howlihii dalka dibaddiisa loogu dhoofin jiray xoolaha nool iyadoo guddi ka kooban wasiirro iyo ganacsato loo saaray barnaamijkaasi.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay inay mamnuuc tahay in laga ganacsado hubka, labiska ciidamada iyo qalab kasta ee loogu talagalay ciidanka iyadoo ciddii lagu arkana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Wasiirka Kheyraadka dalka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa saxaafadda u sharaxay go’aamadii kasoo baxay kulanka markii uu soo idlaaday kadib.

Go’aammadan kasoo baxay kulanka Golaha Wasiirrada ayaa imaanaya xilli gudaha magaalada Muqdisho lagu iibiyo hubka, labiska iyo rasaasta loogu talagalay ciidamada oo mamnuuc ka ah inay gacanta u gasho kuwa khal-khalka ku haya nabadda iyo xasiloonida.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale