HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Saturday, February 2, 2013 - 23:19:55
Waxaa la aqristay: 71 Jeer.

Ghana oo u soo gudubtay Semi-final-ka Koobka Qaramada Afrika 2013

Waxaa Qoray:

Ghana

Xulka Ghana ayaa u soo gudbay Semi-final-ka Koobka Qaramada Africa ee 2013, kaddib markii ay afka ciidda u dareen Xulka Cape Verde, Ciyaar ka dhacday Garoonka’Nelson Mandela Bay’.

Xulka Qaranka Ghana ayaa horay u goostay Tikidhadii ay kaga qeyb gali lahaayeen kulamada siddeeda Koobka Qaramada Afrika, kaddib markii ay galabta 2-0 ku dhaafeen xulka Cape Verde Ciyaar ka dhacday Magaalada Port Elizabeth.

Guusha ay gaareen galabta Xulka Ghana ayaa waxa ay guushaas uga mahad celiyeen Xiddigooda Mubarak Wakaso oo ay lugtiisa ka bexeen labada goo lee guusha, labadaas gool oo kala ahaa Rigoore uu dhaliyey daqiiqadii 54-aad iyo gool kale oo uu saxiixay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Waxaa xusid mudan in Mubarak Wakaso xiddiga labada gool u dhaliyey xulkiisa Ghana uu ka soo istaagay kursiga Keydka islamarkaana uu nasiib u yeeshay inuu labada gool ee guusha u dhaliyo xulkiisa.

Xulka Ghana waxa uu la ciyaari doonaa xulkii soo baxda Togo iyo Burkina Faso kuwaas oo maalinta berri ah foodda is dari doona, waxa uuna noqday xulka Ghana xulkii ugu horreeyey ee u soo baxa kulamada Semi-final-ka Koobka Qaramada Afrika 2013.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale