1: Thursday, January 3, 2013 - 11:50:00
2: 168 Jeer.

Ganacsatada Kismaayo oo amar culus la duldhigay

Waxaa Qoray:

kismaayoAargadadada 1
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi shalay lagu dilay nin lagu sheegay inuu rayid ahaa, kaas oo lagu dilay gudaha suuqa weyn ee balcadka Kismaayo, gaar ahaan nawaaxiga dahablaha oo ah goob aad u mashquul badan, iyadoo aan illaa hadda aan la garaneyn cidda ka dambeysay dilkaasi.

Sida warku sheegayo dilka ninkaasi rayid ah ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya inay ninkaasi dileen kooxo hubeysan, halka warar kalena ay sheegayaan in ay xabad uga fakatay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa gudaha suuqa Bacadlaha ee magaalada Kismaayo.

Daqiiqado ka dib markii uu dilku dhacay ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baaritaano kala duwan oo ay qabqabteen dad looga shakisanyahay inay ka dambeeyaan dilkaasi, waxayna sheegeen saraakiisha dowladda inay baaritaano ku wadaan dadkii ay qabqabteen, waxayna xuseen inay sii deyn doonaan ciddii aysan ku cadaanin dilka ninkaasi, qofkii ay ku cadaatana ay soo taagi doonaan Maxkamad.

Dhinaca kale maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa amar ku siiyey ganacsatada loo yaqaan waratada ee dharka ku iibisa hareeraha wadooyinka inay isaga guuraan halkaasi, waxaana warkaasi warbaahinta siiyey afhayeenka Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo sheegay in waratada dharka ku iibisa suuqa weyn ee Balcadka ay ciriiri ka dhigeen wadooyinka, isla markaasina ay suuragaltahay buu yiri in lagu soo dhex dhuunto oo ay halkaasi ka dhacaan falal amni darro sida kii shalay dhacay oo lagu dilay nin rayid ah.

Ganacsatada waratada loo yaqaan ee dharka iibisa ayaa lagu amray inay u guuraan suuqweynihii hore oo ku yaala xaafadda Calanleey, kaas oo ay hore dayactir ugu sameeyeen maamulkii Xarakada Al-shabaab ee ka arrimin jiray magaalada Kismaayo, wallow aysan jirin dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoogan oo suuqaasi ka jira marka laga reebo qeybaha Kalluunka lagu iibiyo, waxaana xusid mudan in ganacsatada dharka ku iibisa hareeraha wadooyinka ayaa sheegay inay ku qanacsanyihiin ganacsiga ay waddooyinka hareerahooda ku heystaa

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale