HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Wednesday, December 12, 2012 - 16:54:45
Waxaa la aqristay: 200 Jeer.

Galmudug oo maanta yeelatay madaxtooyo cusub

Waxaa Qoray:


Munaasabad xarigga looga jarayo dhismaha xarunta madaxtooyada ee maamulka Galmudug ayaa maanta ka socota koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galaya wufuud ka kala socota dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiib ayaa la rejeynayaa in uu xarigga ka jira madaxtooyada Galmudug.

Xaruntan cusub ee madaxtooyada Galmudug ayaa ku taalla xaafadda New Gaalkacyo, waxaana dhismaheedu uu socday muddo 3 bil ah, iyadoo ay iska kaashadeen jaaliyadda Galmudug ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Waa markii ugu horreysay oo maamulka Galmudug uu dhisto xarun madaxtooyo ah tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulkaas.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale