1: Wednesday, December 12, 2012 - 11:12:33
2: 264 Jeer.

Gabar Soomaliyeed oo lagu xukumay Mareykanka

Waxaa Qoray:


Nimco Cali Yuusuf, oo qiratay danbiga loo haysto oo ah ineey gacan siisay urur Argagixiso oo shisheeye ah bishii December ee lasoo dhaafay ayaa waxay akmid ahayd dhowr qof oo lala xiriirinayo ineey gacan saar la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen laanta sirdoonka Mareeykanka FBI-da.

Nimco Cali Yuusuf, oo 26-jir ah ayaa qiratay in lacag dhan 1,400$ ay udirtay 4 qof oo ku xirnaa Al-shabaab sanadihii 2009 iyo 2010, sidoo kalena ay been uga sheegtay FBI-da iyo baarayaashii waaxda ammaanka ee gudaha lacagtaas ay gudbisay.

Dacwad oogayaasha ayaa waxay ku adkeeynayeen Maxkamadda in Nimco Yuusuf lagu xukumo 10 sano oo Xarig ah taas oo ay sheegeen iney farriin adag u direeyso kuwa kale ee ku taamaya ineey udhaga-nuglaadaan waxa uu mareeykanka ugu yeero ururada Argagixisada.

Al-shabaab, oo uu fadhigoodu yahay dalka Soomaaliya ayaa waxa liiska Argagixisada ugu jirtaa mareeykanka, Qareenka Nimoco ayaa waxa uu soo jeediyay in Xabsiga looga dhigo 5 sano ugu badnaan, waxaana uu sheegay in lacagta ay u direeysay Saxiibadeed oo dhibaateysan balse aysan si toos ah ugu biirin Al-shabaab.

Dhanka kale Nin reer Chicaco ah, ayaa isna waxaa lagu xukumay ku dhowaad 10 sano oo Xarig ah maalintii Talaadada, waxaana lasheegay in uu usafro Soomaaliya islamarkaasna uu hubka uqaado Al-shabaab, Ninkaan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegaa Shaker Masri, waana 27 jir.

Shaker Masri, ayaa Maxkamada kahor qirtay danbiyada loo haystay bishii July, waxaana uu kamid yahay daraasiinta dadka ah ee loo haysto ineey doonayeen ineey ku biiraan ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay inuu doonayay inuu si mutadawacnimo ah ugu biro Al-shabaab oo uu aaminsanyahay ineey Jihaad kawadaan Soomaaliya.

“Ninkaan waa nin doonayay inuu dad dilo, naftiisana haligo” ayaa lagu yiri war kasoo baxday Kusimaha Xeer ilaaliyaha degmada waqooyi ee Alabama.

Masri, ayaa waxaa FBI-da Mareeykanka ay gacanta ku dhigeen bishii Augusto 2010, isagoo waqtigaas doonayay inuu usafro Soomaaliya, waxaana uu qirtay inuu doonayay inuu is qarxiyo.

Masri, asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa dalak Syria, lakin waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Alabama ee dalka Mareeykanka.

Markii ay FBI-da gacanta ku dhigayeen Shaker Masri, waxaa gurigisia laga helay Computer ay ku keydsanyihiin waxyaabio muujinaya sida uu aad ugu taageersanaa afkaarta Al-qaacida iyo Al-shabaab, waxayaabaha laga dhex helay Computer-ka waxaa kamid ahaa warqad uu soo qoray hogaamiyihii Al-qaacida Usama Bin-laden, waxaana ku qornaa warqadaas “Dagaal kadhan ah Mareeykanka”, sidoo kale waxaa kujiray kutubo ay ku qoronyihiin baraarujinta Jihaadka.

Masri, ayaa marka uu soo dhamaysto judada 10-ka sano ee lagu Xukumay, waxa uu 20 sano oo kale ahaan doonaan nin si aad ah loola socdo dhaqdhaqaaqiisa, sidoo kale waxaa laga ilaalin doonaa inuu isticmaalo wax intrnet ah.

Hooyada dhashay ninkaan ayaa kahor inteeysan dhiman waxay kasoo qaybgashay dhagaysiga dacwadaha loo haystay, mana jirin wax qaraabadiisa ah oo kasoo qayb galay markii laxukumayay Talaadadii lasoo dhaafay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale