1: Wednesday, January 2, 2013 - 15:26:29
2: 126 Jeer.

Fiqi oo gaaray Baydhabo si uu mushaar usiiyo ciidanka

Waxaa Qoray:

fiqi-booqasho16.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka waxaa wafdigiisa ku wehliyaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaliya, taliyaha ciidanka xoogga dalka Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan wafdiga ayaa saxaafada usheegay in ujeeddada socdaalka wafdiga ay tahay mushahar siinta ciidanka dowladda ee gobolka Bay ku sugan.

Sidoo kale wuxuu socdaalka la xiriiraa qiimeynta xaaladaha ammaan iyo midda nololeed ee gobolka iyo sidii loo ballaarin lahaa howlgallada ciidamadu ka wadaan gobollada Bay iyo Bakool.

Safarka wasiirka gaashaandhigga ayaa qeyb ka ah mid muddooyinkii u dambeeyey uu ku marayey gobollada ay dowladdu ka taliso.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale