1: Friday, February 22, 2013 - 07:51:15
2: 309 Jeer.

Ferguson oo doonaya in Nani uu saxiixo heshiis cusub laakin aan u balan qaadi karin boos joogto ah

Waxaa Qoray:

nani ouTababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in kooxdiisu ay diyaar utahay in ay heshiis cusub usoo bandhigto laacibka garabka ee wadanka Portugal Luis Nani.

Laakin macalinka kooxda United ayaa sheegay in uusan isagu balan qaadi Karin in uu Nani siiyo boos joogto ah ,waxaana uu sheegay in kooxdiisa aysan ku jirin ciyaartooy xaqiijnin karta in kulan walba lagu soo bilaabayo.

Xidigaan iyo kooxdiisa ayaa ku kala booday qorshe laacibkaan heshiiska loogu kordhin lahaa goor hore kadib markii wakiilka xidigaan uu sheegay in mushaarkiisa la gaarsiiyo £130,000 asbuucii,taas oo ay United diiday .

Balse bandhihiisii kulankii Isniintii ee Reading markaas oo uu Super Nani dhaliyay gool midna abuuray ayaa keentay in kooxda United ay go,aansato in laacibkaan heshiiska loo kordhiyo .

“waa in aan ceshanaa Nani maxaa yeelay waa muhiim ,waxaa loo bandhigi doonaa heshiis cusub laakin kuma jiro boos joogto ah maxaa yeelay United kuma jiro qof xaqiijin kara booskiisa ayuu Fergie usheegay Daily Mail.

Nani ayaa ku soo biiray kooxda United 2007-dii isagoo £17million uga soo dhaqaaqay Sporting Lisbon,waxaana hsehiiskiisa ka dhiman hal sano.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale