HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, December 13, 2012 - 17:54:10
Waxaa la aqristay: 626 Jeer.

Ferguson iyo Guardiola oo kul kulmi doona USA

Waxaa Qoray:

Macalinka waaya aragga ah ee Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa la sheegayaa inuu si wayn ugasoo dukaamaysan doono suuqa kala iibsiga jiilaalka oo furmaya bisha Janaayo.

Warsidaha The Mirror ayaa daabacay in Ferguson Ferguson uu maalmo yar beteriyaashiisa cabaysan doono isagoo u duulaya dalka Maraykanka oo sida uu qoray warsidaha The Mirror ay isku arki doonaan Guardiola oo laga yaabo inay Manchester la hadasho, isagoo nasiinadaa yar kadibna dib ugu laaban doono kooxda Manchester Utd oo uu la jeexi doono kaartada lagusoo iibinayo xidigaha ay tebeyso kooxda oo gaar ahaan daafeceedu biya days badnaa ayaantan.

Ferguson ayaa horta doonaya inuu iska diro Nani, oo ay doonayaan Juventus iyo Arsenal oo iyadu dadabkan dhexe ula diyaara 20 milyan oo gini sida la yiri.

Fergie ayaa waxaa lala xiriirinayaa laacibka dheereeya ee Arsenal Theo Walcott, oo la iibinayo marka ay furanto dariishada kala iibsiga jiilaalka halkii uu bilaash uga tegi lahaa bisha Juun maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo.

Macalinka United ayaa sidoo kale il dheer ku eegaya dadabka Colombian-ka ah ee James Rodriguez, oo u ciyaara FC Porto, iyo laacibka Kenyan-ka ah ee dhexda uga ciyaara Celtic Victor Wanyama.

Timawaynaha kooxda Everton Marouane Fellaini ayaa sidoo kale si saaxi ah ugu jira raadeerka kooxda Old Traford oo doonaysa inay duldulleeladeeda daariso inta aanu meel duur ah roob kula da’in.

Waxaa Qoray
Maxamed Xaaji

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale