HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Saturday, January 12, 2013 - 14:17:46
Waxaa la aqristay: 564 Jeer.

Faransiiska oo la hayste Denis Allex iyo labo Askari ku weyay weerarkii fashilmay ee Buulo Mareer

Waxaa Qoray:

faransiis

War saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay dawladda Faransiiska ayaa lagu sheegay in la haystihii u dhashay Faransa iyo labo Askari oo kale ay kaga geeriyoodeen hawlgal ay Ciidamadooda ka sameeyeen Magaalada Buulo Mareer ee gobolka Sh/dhexe.

Warkaan oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in intii uu socday hawlgalka fashilmay ay goobta ku naf baxeen labo askari oo ka tirsanaa kumaandooska Faransiiska iyo la haystihii  lagu magacaabi jiray Denis Allex.

Wasaaraddu waxay sheegtay in la haystaha iyo labada Askariba ay dileen Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee dagaalka lala galay.

Hawlgalkaan oo ay ka qeyb qaateen illaa 4 Diyaaradood oo nooca qumaatiga ah ayaa ujeedkiisu ahaa soo furashada la haystaha geeriyooday ee Denis Allex  kaasi oo Muqdisho laga qafaashay Sanadkii 2009.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Wakaaladaha Wararka u sheegay in iska hor’imaadku uu dhawr saacadood socday Islamarkaana ay indhahooda ku arkeen dabley Cadaan ah oo Shabaab ka tirsan kuwaasoo dagaalka ka qeyb qaadanayay.

Wasaaradda gaashaandhiga Faransiiska warka ay soo saartay ee lagu qoray Wakaaladda ee AFP ayaa waxaa lagu sheegay in inta hawlgalku socday ay dileen illaa iyo 17 ruux oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Faransiisku dhawr jeer ayuu gudaha Soomaaliya ka fuliyay hawlgal uu ku baacsaday burcad badeed dad ka qafaashay, balse kan ayaa u muuqday mid uu ku fashilmay maadaama rag u dhashay dalkiisa ay uga geeriyoodeen.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale