HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Tuesday, December 11, 2012 - 12:08:12
Waxaa la aqristay: 358 Jeer.

Fannaaniin Qaran oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay + Sawirro

Waxaa Qoray:

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogu talagalay soo dhoweynta fannaaniinta kala ah: Qaalid Shariif Axmed (King Qaalid), C/Xakiim Ciise Geedi (Farayare) iyo Xasan Cujeer Cajami ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay fannaaniintaasi ka soo degeen garoonkaasi.

Munaasabadii xafladaasi oo ay isku soo duwday Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD ayaa waxaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta fannaaniintaasi boqolaal ka mid ah bulsha weynta Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jiray diblomaasiyiin, madaxda G/banaadir, haweenka degmooyinka Muqdisho oo ku labisnaa dareys ka koobnaa hidaha iyo dhaqanka iyo Uniform-ka calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, barbaarta gaashaaman, fannaaniin, weriyeyaal iyo taageerayaal aad u fara badan oo daneeya fanka fannaaniintaasi iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ay ku soo dhoweynayaan hoboladaasi.

Saddexda fannaan ee kala ah: King Qaalid, farayare iyo Cujeer Cajami ayaa markii ay ka soo degeen garoonka Aadan Cadde waxa ay mid mid u gacan qaadeen iyagoo faraxsan dadkii soo dhoweyntooda ka qeyb qaadanayay, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen “Waan idin sugeynee soo dhowaada, ha guuleysato xorriyadda fanka, qof iyo Qaranba King Qaalidow xushmad baan kuu heynaa, noolow Farayare noolow iyo Cujeerow waan ku tabeynee na tilmaam” iyo halku-digyo kale.

Fannaanka luuqda macaan ee Qaalid Shariif Axmed King Qaalid oo wakiil ka ahaa saaxibadiisa kale ee la socday ayaa mar uu Weriyeyaasha kula hadlayay qolka martida VIP-da ee Garoonka Aadan Cadde waxa uu qoto dheer uga sheekeeyay ujeedada booqashadooda iyo sida ay u arkaan caasimada dalka Soomaaliya oo uu tilmaamay inay ugu dambeysay in ka badan 20-sano, wuxuuna ugu horeyntii sheegay inuu 100% ku faraxsan yahay imaatinkooda Muqdisho, isagoo intaasi raaciyay inuu si weyn ugu mahad naqayo hay’adda CCD oo uu tilmaamay inay u suuragelisay booqashadooda Muqdisho.

Mar uu ka hadlayay King qaalid qaabkii loogu soo dhoweeyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho wuxuu ku nuux nuuxsaday in si heer sare ah oo aanay hilmaami doonin loogu soo dhoweeyay Muqdisho, wuxuuna caddeeyay inta ay joogaan dalkooda hooyo inay soo bandhigi doonaan qaar ka mid ah suugaantooda qaniga ah ee ay dadku wada jecel yihiin, isagoo ugu baaqay fannaaniinta kalena inay ku soo laabtaan dalkooda hooyo si ay shacbigooda wax ula qeybsadaan.

Guddoomiye K/Xigeenkii hore ee G/Banaadir C/Fataax Ibraahim Shaaweeye iyo Guddoomiyaha haweenka G/Banaadir marwo Jawaahir Maxamed Baarqab oo iyaguna ka hadlay munaasabadii soo dhoweynta fannaaniintaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka fannaaniinta Qaran, waxayna xuseen inay hay’adda CCD uga mahad celinayaan si da ay mar walba isugu howsho qaabkii ay dalka ku keeni lahayd dadka magaca iyo sumcadda ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo ay fannaaniintu ugu horeeyaan, iyagoo intaasi raaciyay in Muqdisho ay tahay meel nabad ah oo la imaan karo, sidaasi daraadeedna ay ugu yeerayaan fannaaniinta kale inay yimaadaan dalkooda hooyo oo aan lahayn qabow iyo barafka Soomaalida dibadaha badankood ku haya.

Hay’adda CCD ee maanta ku guuleysatay inay Muqdisho yimaadaan fannaaniintaasi Qaran ayaa horay waxay dalka ugu casuuntay hobalada kala ah: Jooqle Shire Jaamac, Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba Dhagax) iyo kuwo kale waxaana ay hay’adda haatan ku tala jirtaa inay wadanka ku martiqaado inay yimaadaan fannaaniinta kale ee qurbaha ku sugan.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

12 Comments for “Fannaaniin Qaran oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay + Sawirro”

  1. The only way to get rid of responsibilities is to discharge them.

  2. Debt collectors to stop payments to the loss mitigation department; 5. Be Persistent. If you are working with a representative who might not seem willing to assist you. Early Payoff If your business is a great option, when you will speak with will probably have a relationship with. Pay back with your paycheck as collateral.

  3. Two methods exist for walking the cup from side to side almost like you have earned your skills, there’s nowhere you can’t find work anywhere, regardless of how poor the economy is. To meet the above requirements in an open aired environment. In addition, welders need to enter the field. {||||

  4. I dugg some of you post as I cerebrated they were invaluable invaluable

  5. To make a nice vehicle to make a quick run to a neighborhood convenience store. Money Saver: Gasoline prices continue to soar upward year on year.

  6. I like your writing style genuinely enjoying this site.

  7. I took these pictures of the step-down Hudson pickup inside a Maine junkyard from the early 1970s. I recall that it looked really nicely performed… as if manufactured with the factory. I think that it experienced faded markings indicating that it had been applied by a dealership in Everett Massachusetts. For the time any vehicle could be experienced for $25. Sadly if the price of scrap went up a portable crusher was brought in.

  8. Awesome tale ! Again when my mom and dad split in 78, my dad bought a 67 GTO, his/her shifter, a dark blueish green’ extrerior… Uncovered to drive in that car. My mom had a 74 Ford Maverick… but it’s the GTO I cherished essentially the most… spent acquiring to be aware of my dad whilst ramming close to within the car… took my drivers license test in it.. The tester gawked with the cat for 10 minutes … You should not understand what helped me pass more … my driving skills or maybe the car ! My dad is 76 now… car prolonged absent… though the recollections of him and me in it should past forever. I wold like to find one like his to .. and drive into his drive way and watch his reaction… Would like to see additional images and info on this red 67 GTO… maybe in your future concern ? Certainly I do subscribe….

  9. cade

    ASXBEY WAAN IDIN SALAMAY KK FIIRIYA DAAYA MUDAHARAADKA ILAA GOORMAAN WADEYNAA MUCARAD NIMADA WA WAXAN U HELI LA,ANAHAY MASLAXO KEENNA XUN IYO KAN TOOSAN WAA MUWAADIN WAXAY RABAAN HA XERTAAN WAXAA MUHIIM AH INAY SOO BOOQDEEN SOOMALIA XAQBAYNA U LEEYIHIIN WA WADANKOODII,, MIDA KALE WAX HEESO USAMEEYO AMA WAX U ABUURA NASIIB UMA YEELAN INKASTOO HEESO AY LEEYHIIN AY SOO SAREEN MAALMAHAN DANMBE WAA RUN WAXAY KUSOO BAXEE KUWA AYSAN LAHAYN ,, SEE LAYEELAA HEE WAY DUQOOWEEN KUWII HORE MEESHII LEE MALA JOOGAA MAREYKANKA IYO YURUBA SIDAAS AYAY SAMEYAN WAA LA QADAA WAA CAADI ANAGO SOMALI AH MAXA DIIDAYAY MARKA AAN WAX WADA QEYB SANO SXB NABADA AYAA MUHIIM INOO AH // FADI IYO SANKA IYO SXBADEENA KALE

  10. Fadi

    sanka KKKKKKKKKKKKKKKKK SARWALKA AMAY TABARKATAGAY HEE, OO UUU REER TABARED ISKA YAHAY kkkkkkkkkk aad baan u qoslay

  11. Fadi

    WAA KAASAA SOMALI MUSQAASUQ DHAAFIFIMEEYSO. KUWAAN GOORMAY
    FANAAN QARAN NOQDEEEN? , WAA KUW BILILIQEEYSAN JIRAY HEESAHA FANAANIINTA. WAXAN FANAAN QARAN U, AQAAN FANAAN HEESAHA ORIGINAL QAADA EE AAN ISKU EKEEYSIN FANAAN KALE, AMA GEESI JA XADIN.

  12. sanka

    ilha baan idinku dhariree bal firiya ninka la dhahayo waa fanan waxu ku so noqadey maglada mudisho wwadanka wax kul so noqadey waxu wataa sulwaan lugah ka jex jex sow wadan ma usan kul so dhaqan anshaxa xumo waa jyaab fanan ayaa ba,ay walaahi

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale