HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, December 6, 2012 - 01:38:24
Waxaa la aqristay: 177 Jeer.

FALLO:- Mudane Madaxweyne:- Safarkaaga ku saleey Danaha Qaranka. W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Waxaa Qoray:


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia ee dhowr bilood xilkaasi lagu aaminay, ayaa waxa uu booqashadiisii 4-aad haatan kaga maqan yahay Xafiiskiisa, isagoo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga.

Safarradda Madaxweynaha Somalia, ayaa indhaha lagu hayaa si loo qiimeeyo Natiijooyinka Socdaalladiisa, inay yihiin kuwo Nooc Minan Dalxiis ah sida loogu bartay Madaxdii kaga horreysay Xilkan, waxaana Safar kasta oo uu shandadihiisa u xirxirto lagu qiimeyn doona waxa uu ku soo kordhiyey Danaha Qaranka ee baylahsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud, oo Xilka Qaran loo caleemo saaray bishii September ee sannadkan, waxa uu kansal-gareeyey safarkiisii ugu horreeyey oo uu kaga qeyb geli lahaa Kulan-weynihii Golaha Guud ee QM, wuxuuna safarkiisa u wakiishay Ra’isul-wasaarihii hore, C/weli Gaas oo isaga Kulammo la qaatay Madax ka tirsan Dowladaha Caalamka,oo uu ugu horreeyey Madaxweynaha Maraykanka, Brack Hussien Obama.

Safarkan waxa uga horreeyey kuwo uu isbuucii hore ku soo kala bixiyey dalalka D’jibouti iyo Ethiopia, isagoo Madaxda dalalkaasi ugu tegay booqasho sharaf is-barasho ahayd.

Safiirkiisa waxa kaloo uu albaabadda u furay Diplomaasiyadda Cusub ee Mandiqadda Geeska Afrika, taasi oo horseedi karta in laga baxo Cahdigii Colaadaha, loona gudbo Waayo Cusub oo Wax-wada-qabsiga Ummadaha ku nool Mandiqaddan cakiran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaminayo waxay shalay Madaarka Muqdisho ka raaceen Diyaarad Khaas ah oo uu Ra’isul-wasaaraha dalk Turkiga, Rajab Dayib Ordagaan oo isagu lagu xusuuto inuu ahaa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Caalamka ee ku soo dhiirada inuu socdaal ku yimid magaalldda Muqdisho.

Ra’isul- wasaare 0rdagan waxa uu Wafdi ballaaran oo uu horkacayey booqasho ku yimaadeen magaalladda Muqdisho bishii August ee sannadkii hore, wuxuuna Socdaalkiisa dib dhidibada ugu aasay Xiriirka Taariikhiga ee labada dal, iyadoo la furay Safaaraddii Turkiga ee Somalia, waxayna Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Air (THY) bilowday bishii March ee sannadkan Duullimadyo Khad isku xiraya Somalia iyo dalalka kale.

Haddaba, qiimo noocee ah ayuu Safarka Madaxweynuhu ku joogo dalka Turkiga u leedahay Dowladiisa Curdanka ah?, Ma dhici kartaa inuu Safarkiisa ku ekaado Safar Shaqsi oo uu Taariikhdiisa ku xusuusto Safaradda uu Caalamka ku soo kala bixiyey, mise waxa uu noqonayaa Socdaal horumar ku soo kordhinaya Danaha Qaranka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Safarka Madaxweynuhu tijaabo u noqon doono sida uu ugu faa’ideysto Fursadda Dahabiga ee Socdaalkiisa, iyadoo uu Dalka Turkiga yahay Waddan leh Xadaarad aad u fog, isla markaana ah Dal Horumrsan oo ku miisaan ah Dalalka Reer Galbeedka.

‘Haddii uu Madaxweynuhu noqdo sidii Cali Mar-dhoof oo kale, , waa la arki doonaa, laakiin waxa la gudboon inuu Dowladda Turkiga hordhigo Barnaamijyo Dhaqan-Dhaqaale,Siyaasad iyo Dib-u-dhis’ ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somalia, oo isagu rumeysan inay Dowladda Turkiga tahay Dowladda keliya ee Xilligan gacan qaban karta Dadka iyo Dalka Somalia.

Aragtida Xildhibaanka waxaa la qaba Siyaasiyiin iyo Ganacsato badan oo iyagu u arko inay Dowladda Turkiga mudan tahay in kaalinta koowad laga siiyo Mashaariicda iyo Qandaraasyadda lagu dhisayo Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyadda Bulshadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa muhiim u ah inuu Dowladda Turkiga hordhigo Ajendooyin Muhiim ah oo ku salaysan Danaha Qaranka ee muddada Dhaw iyo midka Waqtiga dheer , waxaana ayaan-darro haddii uu baylihiyo fursadaasi oo uu ka door bido inuu Dhismayaasha Casriga ee Ankara iyo Istanbuul ku tamashleeyo sidii Dalxiise caadi ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hubanti ah inay Dowladda Turkiga haminyso inay Soomaalida wax-la-qabsato, isla markaana ay noqdaan Walaalo gacan ka geysta Samatabixinta Ummadda Soomaalida ee haatan ka soo kabanayso burburkii Colaadaha Sokeeye.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Magaaladda Jabouti

Email: wararka@live.se

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale