HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Wednesday, January 30, 2013 - 17:57:37
Waxaa la aqristay: 391 Jeer.

FALANQEYNTA. Booqashadda Madxweyne Xasan Sheekh uu ku joogo Xarunta Midowga Europe ee Burussels.

Waxaa Qoray:

fkgtk

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isbuuc hore Guul Diplomaasiyadeed kala soo hoyday booqashaddii uu ku tagay Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington, ayaa waxa uu boorka ka jafay sidii loo soo celin lahaa Sumcadda Diplomasyadeed ee Somalia oo muddo 21-sanno ah bannaanka ka joogtay Masraxa Caalamka.

Booqashadda uu Madaxweynuhu haatan ku joogo Madasha Dhexe ee Ururka Midowga Europe ku leeyihiin caasimadda dalka Belhium ee Brussels ayaa iyadana runtii ah Ifafaalo kale oo guul xambaarsan, iyadoo lagu wado inay 27-ka dal ee ku bahoobay Dalladda EU-da ugu yaboohaan Dib-u-aqoonsiga Dowladda Somalia iyo inay sii kordhiyaan Taageeradda Diplomaasiyadeed iyo midda Dhaqaale ee ay Dowladda Federalka u hamuun qabto.

Booqashadda Madaxweynaha oo qaadan doonta muddo saddex maalmood (29 – 31 January) ayaa waxa uu kulamo maanta oo Arbaco ah  la qaadanayaa Guddoomiyaha Ururka EU-da, Herman Van Rompuy,Madaxa Komishinka EU-da, Jose Manual Barroso iyo Madaxa Arrimaha Siyaasdda Dibedda, Catherine Ashton, si ay uga wada hadlaan sidii Dowladda Somalia looga taageeri lahaa dhinacyadda diplomaasiyadda, Dhqaalaha, Ammaanka iyo Dib-u-dhiska.iyo Iskaashiga labada dhinac.

Taageeradda Ururka Midowga Europe ee sannadihii la soo dhaafay waxay ku jiheysnaayeen Diplomaasiyadda, Ammaanka iyo Horumarinta.

Ururka, waxa uu tababar iyo dhaqaale ku bixiyaa Ciiddamadda Dowladda Somalia, iyadoo Saraakiil ka tirsan Ururkaasi ay tababareen 3,000 oo Askari labadii sanno ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Madaxweynaha uu kula kulmayo Madaxda Midfowga Europe ayaa lagu tilmaami karaa mid guul xambaarsan, inkastoo ay weli Dowladiisu nadiif ka ahayn Arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Dhowrista Xorriyadda Suxufiyiinta iyo Tacadiyadda Ciiddamadda iyo Hay’addaha Garsoorka ku tallax tagaan.

Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan haddii aysan Dowladiisa wax ka qabanin dhaliilaha dhinaca Sharciga, Maamulka iyo Amniga inay tasi caqbad ku noqon karto daalkiisa ku aadan inuu Albaabka Diplomaasiyadda garaacayo.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Madaxa falanqeynta Siyaasadda

Email: wararka@live.se

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

2 Comments for “FALANQEYNTA. Booqashadda Madxweyne Xasan Sheekh uu ku joogo Xarunta Midowga Europe ee Burussels.”

  1. togane

    kuwa gaalada saaxiib kadhigta suuradaan baa alle kusoo dajiyay

    O you who have believed, do not take the Jews and the Christians as allies. They are [in fact] allies of one another. And whoever is an ally to them among you – then indeed, he is [one] of them. Indeed, Allah guides not the wrongdoing people.

  2. fooz

    shaqo markii la qabanaayo gurigaaga a laga bilabaa bal suxufiyiinta ha jojiyaano musuqa, qabiilka,iyo sharciga cusub ee sameysteen wariyayaasha somalida ee ah i afgaro an ku buunbuniyee waxa qabaa bulshada u dub dhaxaad keeda waa suxufiga ee wanaaga allaha tuso

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale