1: Wednesday, December 12, 2012 - 21:07:03
2: 217 Jeer.

Faah faahin ka soo baxeysa shil gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho

Waxaa Qoray:


Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa shil gaari oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, labo qof ayaa ku geeriyootay mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray shilgaari oo maanta barqadii ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa ka dambeeyey kaddib markii gaari nooca Soomaalidu u taqaano Kaarib oo si xawli ah ku socday uu wadada ka baxay.

Gaarigaan oo xawaare dheereeya ku socday ayaa waxa uu ka soo dacay wadada isgoyska dabka soo gasha ee timaada dhinaca buundooyinka, ayaa la sheegay in darawalkii kaxaynayey gaarigaasi uu wax bareeg ah ka waayey maadama uu ka soo dagay dalcad dheer kolkii horena uu xowli ku socday taasoo sababtay inuu wadada ka boxo oo uu rogmado.

Maxamed Mungaani Taliyaha Ciidamada Ilaalada waddooyinka ee isgoyska dabka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in labada ruux ee geeriyootay midkood uu ahaa injineer dhisayey guri dabaq ah oo laga dhisayo hareeraha laamiga Isgoyska dabka.

Taliyaha ayaa sheegay qofka kale ee geeriyooday inuu ahaa ruux wadada marayey oo uu gaarigu kolkii hore turuska ku qaaday dabadeedna jiiray, wuxuuna intaas ku daray in qof dhaawacmay uu ahaa wadihii gaarigaasi.

Waxaa Qoray
Haaruun Yuusuyf Khasaaro

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale