Waxaa la aqristay: 658 Jeer.
Faafahin dheerad ah oo ka soo baxaysa Hub Gantaalo ah oo la gaarsiiyay Alshabaab
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Iyadoo ay Dowladda Maraykanka u ololeynayso sidii loo qaadi lahaa Cunaqabataynta hubka ee saaran dalka Somalia, ayaa waxay Kormeerayaasha QM ee hubka waxay warbixin dheer ka soo saareen Dowladaha hubka ku taageera Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta Ciiddamadda Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inay jiraan Shabakaddo gacansaar la leh dalalka Yeman, Iraan, Libya iyo North Korea ay shixnaddo hub ah u soo direen Kooxda Alshabaab.
Diplomaasiyiin ku sugan Xarunta QM, ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee Reuters inay Kooxda Kormeerka hubka ee QM ka walaacsan yihiin inay Yeman iyo Iran ku lug leeyihiin hubka Kooxda Alshabaab loo soo diro.
Dowladda Yeman waxay Dowladda Iran ka codsatay inay joojiso taageeradda hubka ee ay siiyaan kooxaha ku sugan gudaha dalka Yeman.
Bishii la soo dhaafay, Ilaaladda Xeebaha ee dalka Yemen iyo Ciiddanka Badda ee Maraykanka waxay gacanta ku dhigeen shixnad hub isugu jiray Hoobiyayaal iyo Gantaallo, iyadoo
Dowladda Yemen sheegtay inay Dowladda Iran soo dirtay shixnadaasi la qabtay.
Guddiga Kormeerka waxay baaritaankoodii ugu dambeeyey ku heleen in inta badan shixnadaha hubka ee la soo diro ka soo galaan Waqooyiga Somalia (Puntland iyo Somaliland Regions).
Warbixinta ayaa lagu sheegay in markay shixnadaha soo gaaraan Goballadda Puntland iyo Somaliland in loo sii gudbiyo goobaha ay Kooxda Alshabaab ku xooggan yihiin kuna yaalla Koonfurta Somalia
Diplomaasi ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM oo codsaday inaan la carabaabin, ayaa Reuters u sheegay in Shixnadaha hubka ee Yeman laga soo daabulo ay ku lug leeyihiin Shabakada ay dad Soomaali leeyihiin oo ku sugan gudaha Yemen.
Diplomaasi kale ayaa sheegay inay Kooxda Alshabaab ee ku sugan Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Somalia soo gaareen hub ay ku jireen Bambooyinka qarxa ee IED (improvised explosive device) .
Dhowr Diplomaasiyiin kale oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM ayaa iyagana xaqiijiyey arrintaasi.
Guddiga QM ee Kormeerka Cunaqabataynta hubka saaran Somalia iyo Eritrea ayaa Warbixintoodii bishii la soo dhaafay ee January ku sheegay inay Kooxda Alshabaab heleen shixnad kale oo hub, oo ay ku jireen Qoryaha Dabamiishaarka ee PKM machine guns.
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in Dowladaha Libya iyo North Korea iyaguna ku jiraan Liiska Dowladaha shixnadaha hubka ku taageera Kooxda Alshabaab
Kormeeryaasha waxay heleen Hub lagu soo farsameeyey dalalka Iran iyo North Korea, kuwasi oo Somalia ka soo galay dhinaca Libya, waxaana shixnadaasi hubka ah lagu qabtay Saldhig ay Ciiddamadda AMISOM leeyihiin.
Diplomaasiyiinta indhaha ku haya hubka ay Dowladahaasi u soo diraan Kooxda Alshabaab ayaa su’aallo badan iska weydiiyey hubka ay Iiraan iyo North Korea soo mariyeen dalka Libya u soo galeen gudaha Somalia.
Guddiga QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa la qorsheeyey inay Golaha Ammaanka ee QM warbixin siiyaan Jimcihii la soo dhaafay, laakiinse kulankaasi ayaa u baaqday duufaanta barafka watay ee Maraykanka ka dhacayso.
Xigasho Reuters
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

When I first saw this title Faafahin dheerad ah oo ka soo baxaysa Hub Gantaalo ah oo la gaarsiiyay Alshabaab | Warar Xaqiiqo ah on google I just whent and bookmark it. Thanks for informative post. I’m pleased positive this post has helped me save several hours of browsing other comparable posts just to discover what I was looking for. Just I want to say: Thank you!
waa sax wayo iran iyo noord korea maraykanka bay col layihiin sidas darteed madama maraykan tageero dowlada somai waxay rabaan in uusan maraykan guulaysan sidii uu ugu qasaray afghanista oo kle ayay raba in ay hadana maraykan dhulka lagu jiido asaga iyo xulufadiisafaba alqaeda hubka ugu badan waxaa siiya noord korea iyo ruushka iyo iran si awooda maraykan uga baxdo anugu umada somaliyeed waxaan ula tali lahaa in ay heshiiso ciidamada galadana meesha laga saaro oo dadku ayga wala ah yaan gaalo laysku soo wadan hadii kle wadankeena dagaal daba dheer ayaan uga baqayaa