1: Thursday, December 6, 2012 - 09:01:03
2: 39 Jeer.

Duufaan ku dhufatay wadanka Filibiin oo burbur xoogley geysatay

Waxaa Qoray:


Ugu yaraan 200 qof ayaa ku dhimatay daadad ka dhashay duufaanta Bopha oo shalay iyo saaka ku dhufatay koonfurta wadanka Filibiin.

Dad ku dhaw 90.000 qof ayaa baro kacay kadib markii duufaantan ay soo gaartay wadanka Filibiin, waxaayna dadka ugu badan ku dhinteen dooxada Compostela, kadib markii robabka ay duufaantan wadatay dhaliyeen daad xoogleh oo kusoo rogmay tuulooyinka ku yaal dooxadaasi koonfurta Filibiin.

Dhanka kale waxaa burbur xoogleh soo gaaray wadooyinka isku xira koonfurta Filibiin iyo qaar kamid ah Buundooyinka oo burburay.

Dowlada Filibiin ayaa sheegtay inay bilowday gurmad xoogleh oo ay ugu gargaareyso dadka baro kacay iyo kuwa kale ee waxyeelada kasoo gaartay duufaanta, walow ay sheegeen in dadaalkooda ay caqabad ku noqotay roobabka xoogaleh ee da’aya iyo waliba burburka soo gaaray wadooyinka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale