1: Sunday, June 2, 2013 - 16:39:12
2: 2,152 Jeer.

Dr. Cali Cusmaan: “Aan diiradda saarno sidii tartamada Olympikada Qaaradda Afrika loogu qaban lahaa”

Waxaa Qoray:

Waxa dhawaan Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Georgia lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay ha’yada la yiraahdo AFRICA HERITAGE CENTERoo uu maamule ka yahay Safiirka lagu magacaabo Tunda Adetunji, waxaana shirkaasi looga hadlaayo qodobadda hoos ku qoran.

1)Sanadguuradii ka soo wareegatay aasaaskii Uruurka Midnimadda Afrika(OAU)

2)Qiimaha Dalxiiska oo uu u leeyahay Afrika.

3)In olole loo galo sidii Tartamadda Olympigadda Afrika loogu qaban lahaa.
Waxaana Shirkaasi Ummadda Soomaaliyeed u matalaayey Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta Mudane Inj. Cumar Abuukar Sheekhey, Marwo Nafiiso Cali Madaxa Ururka Haweenka iyo Dhalaanka iyo Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Dr. Cali Cusmaan Cali.

Waxaana ugu horeyntii halkaa warbixin meelo badan taabaneyso jeediyey Ambasador Tunda Adetunji oo ah madaxa AFRICA HERITAGE CENTER, waxaana uu marka hore u Hambalyeeyey dhamaan Dawladaha Afrika oo u dabaaldegaayo 50 Guuradii ka soo wareegatay maalintii la unka, waxaana uu u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa ay ku gaaraan Bash-Bash iyo Barwaaqo.
waxa kaloo uu ka hadlay dalxiiska qiimaha uu Afrika ugu fadhiyo iyagoo ka hela dhaqli aad iyo aad u fara badan oo runtii waxyaabo badan lagu maareeyo iyadoo aanu kula talineynno in la sii hormariyo.

Ambasadoor Tundi waxa uu si mug uu u tilmaamay in la gaaray waqtigii Tartamadda Olympigadda lagu qaban lahaa mid ka mid ah dalalka Afrikaanka ah, waxaan idin xusuusinayaa in sanadkuu markuu ahaa 1999 dalka South Afrika lagu qabtay Tartankii ALL_AFRICAN GAMES oo aan aniga goob joog ka ahaa, markii uu Tartankii dhamaaday waxaan la shirnay Guddigii Qabanqaabadda waxaana ugu hambalyeynay sidii quruxda badneyd ay u abaabuleen Tartankaas isaga ah, waxaana ka codsanaya in Tartanka Kubadda Cagta ee Addunka loo hawl galo sidii Afrika loogu qaban lahaa,arrintaana waa tii lagu guuleystay 2010.
waxaan mar kale la shirnay Guddigii Qabanqaabadda waxaana u sheegnay in ay diiradda saaraan in Tartanka Olympigadda lagu qabto mid ka mid dalalka Afrikaanka., waxaana maanta qodobadeenu ka mid ah sidii aanu culeyska u saari laheyn in sanadku markuu yahay 2028 Tartanka Olympigadda lagu qabto Afrika.

Waxaana khudbadii lagu soo dhaweeyey Halyey Isboorti Soomaaliyeed Dr. Cali Cusmaan Cali,waxaana uu khudbadiisa uu ku bilaabay isagoo u mahadceliyey Guddigii soo qabanqaabiyey,waxaana uu marka hore Codsaday in laga yeelo bal in uu sheego Taarikhda Isboortiga Soomaalia iyo Midda Addunkaba uu ku leeyahay..waxaana uu Yiri Dhadhaqaaqa Isboortiga waxaan soo bilaabay dhamaadkii Lixdameyadii,waxaana nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo Kooxdii Kubadda Koleyga ee ku guuleysata Horyaalkii ugu horeeyey sanadku markuu ahaa 1970, waxaan si toos ah ugu biiro Xulkii Qaranka Kubadda Koleyga anigoo ka mid ahaa Ciyaartoydii Taarikhda ka gashay Soomaaliya ka dib markii aan aniga iyo saaxibadey aanu soo hoyinay Guushii ugu horeysay ee Koox Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ay gaartom, markii aan Ciyaaraha ka fariistay waxaan noqday tababare anigoo u gudbay in aan noqdo tababaraha Xulka Qaranka Wiilasha iyo Gabdhaha,waxaana uga sii gudbay in aan ku guuleysto Jagadda Xoghayaha XSKK, waxaana uga sii gudbay Xoghayaha Olimpigadda,hadda waxaana ahay Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta oo ay ila maamulaan Dad aqoonyahano Isboortiga ah oo kala ah Aweys Fuundi, Caydiid Jeenyo, Cali Mataan iyo Jaamacey.

Waayo maanta addunka waxa la isku qiimeeyaa Taarikhda aad ku leedahay waxa markaas aad maamuleyso, waxaa kaloo uu farta ku fiiqay in maanta aanu nasiib u yeelanay in aan ka mid noqono halgamayaal diiradda saara sidii xaqii Afrika loo soo dhicin lahaa, waa arrin kale oo ku koroortay taarikhdeeda Isboortiga, waxaana si aan leex leexad laheyn u sheegayaa in Afrika ay mudantahay in Tartanmadda Olimpiga mar uu lagu qabto marka loo fiiriyo guulaha ay ka soo hoyiyeen Tartamadii hore loo qabtay laga soo Bilaabo Halyey ABEBA BAKIILA, SACIID CAWEETA.

KIP KEINO, HAILE GABRASALAASE. PETER RONO, PAUL TARTGET, FILBERT BAAYA, JOHN AKIBUA IYO QAAR KALE oo dhamaantood ku guuleysta Bilado Dahab ah.

Waxa kaloo halkaa khudbad loo khushuucay ka jeediyey Mudane Cumar Shekhey iyo Nafiisa Cali…waxayna sheegeen in bulshadda Soomaaliyeed ay maanta garab iyo gaashaanba u yihiin Guddiga arrimaah soo qabanqaabiyey, iyagoo u gudbin doona bulshada Soomaaliyeed waxyaabaha shirkani uu ku saabsana iyo halka uu tiigsanaayo.Waxaana uu shirkii ku soo dhamaaday si heer sare ah.

1 2 3 4 5 7 8 9 10 11 12 13

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale