1: Sunday, February 3, 2013 - 12:46:03
2: 258 Jeer.

Dowladda Uganda oo hadal ka soo saartay Qorshaha EUTM eeTababarka Milliteriga Somalia looga wareejiyey dalkeeda.

Waxaa Qoray:

YYYYYYYYYYYYYY

Bartamihii Bishii January ee la soo dhaafay, waxay Midowga Europe wax ka beddeleen Qorshihii ku aadanaa Ciiddamadda Somalia ee lagu tababari jirey gudaha dalka Uganda.

Hadal ka soo baxay EU-da ayaa lagu sheegay in xilli-kordhin lagu sameeyey Hawlgalkooda Tababarista Milliteriga Somalia, iyo in Tababarka loo wareejin doono magaalladda Muqdisho.

Dowladda Uganda oo Mashruucaasi ka heli jirtey Dhaqaale badan, ayaa hadal ka soo saartay Qorshaha Midowga Europe ee Tababarkii Milliteriga Somalia looga wareejiyey Uganda.

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, General Katumba Wamala, ayaa qeexay inaysan lugaha kala bixi doonin Hawlgalka lagu tababaryo Milliteriga Somalia, xitaa haddii Madasha Tababarkooda laga wareejiyo Uganda.

Waxa uu kunuuxnuuxsday inay Dowladiisa  sii wadi doonto sidii ay Tababarayaasha Milliteriga Uganda u tababari lahaayeen, ulana shaqeyn lahaayeen Ciiddamadda Qaranka Somalia.

General Katumba, waxa uu xusay inay Tababarayaal Milliteri u dirayaan Muqdisho si ay Milliteriga Dowladda Somala ugu carbiyaan Khibradda Miliiteriga, Xuquuqda Aadanaha iyo sidii dadka rayidka loo dhowri lahaa.

Tan iyo sannadkii 2010-kii Saraakiil iyo Tababarayaal Milliteri oo ka socday Ururka Midowga Europe waxay kumanaan ka tirsan Milliteriga Dowladda Somalia ku soo tababareen Xeradda Milliteriga ee Bihanga oo ku taalla Galbeedka dalka Uganda.

Ciiddamadaasi, ayaa waxay safka hore ka galeen Hawlgalka Wadajirka ee Ciiddamadda Somalia iyo kuwa AMISOM  ee ay ku jiraan Maleeshiyadda Alshabaab.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale