1: Tuesday, December 11, 2012 - 16:37:08
2: 157 Jeer.

Dowladda oo sheegay inay goor dhow la wareegayaan degaanada ka harsan gobolka Sh/dhexe

Waxaa Qoray:


Taliyaha Gaaska Koobaan ee xiidamada XDS Gen. C/llaahi Cali Caanood oo saaka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in amaanka magaalada Jowhar uu wanaagsanyahay, kadib markii ciidamadu ay howlgallo ka sameeyeen degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda, isla markaana ay ciidamo dhigeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

‘’waxaanu isu diyaarineynaa wajiga Labaad ee howlgalka an kula wareegayno deegaannada ka haray gobolka Shabeelaha Dhexe, goordhowna waxaan xeryndoonaa inta ka harsan gobolka Shabeelaha Dhexe’’ ayuu yiri Gen Caanood.

Dhinaca kale dadka ku nool gobolka shabeelada dhexe ayaa ka codsaday dowlada in ay ka gacan siiso tacbashada Beeraha islamarkaana ay gobolka ka hirgeliso nidaamkii dowladnimo, iyagoo intaa ku daray in malleeshiyaadka Shabaab ay muddo dheer ka hortaagnaayeen tacbashada beerahooda.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale