Waxaa la aqristay: 313 Jeer.
Dowladda Hoose ee Muqdisho oo war ka soo saartay ninki miinada u aaasay Gudoomiye Tarsan
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Kadib markii 31-December2012 ay soo shaacbaxday Qarax miino oo la damacsanaa in lagu qaarajiyo duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha G/Banaadir ayaa waxaa warbaahinta ay isticmaashay in qofka miinadasasi loo soo dhiibay uu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho.
Hadaba markii aan baaris dheer sameynay kadib waxaa caddaatay in Tahaliil Claahi Nuurre uusan ka tirsaneyn shaqaalaha dowaldda hoose ee Muqdisho iyo G/Banaadir midna.
Laakiin uu ahaa darawal kamida darawalo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose ee Muqdisho.
Sidaa daraadeed maamulka gobolka Banaadir wuxuu si cad usheegayaa in Tahaliil Claahi Nuurreoo ah qofka miinada loo soo dhiibay uusan katirsaneyn shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.
Wabilaahi Towfiiq.
Md. Maxamed Yuusuf Cismaan
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨