HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, January 3, 2013 - 19:05:32
Waxaa la aqristay: 363 Jeer.

Dowlada Somalia oo ka hadashay lacag shilin Soomaali ah oo lagu daabacayo Sudan

Waxaa Qoray:

wasiirka maaliyada

Wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa ka hadlay lacag shilin Soomaali ah oo in muddo ah ay daabacaaddeedu ka socotay magaalada Khartoum ee caasimaadda dalka Sudan

Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in daabacaadda lacagta shilinka Soomaaliga ah la billaabay sanadkii hore, ayna socoto ilaa hadda.

Wuxuu sheegay inuu booqday halka lagu daabacayo lacagta iyo sida loo maaraynayo, wuxuuna rajo ka muujiyay inay halkaas ka soo bixi karto lacag tayo leh oo aan la been abuuri karin.

“Ammaanku waa muhiim iyo inaan la been abuuri karin lacagta ama aysan galin gacan kale,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaas raaciyay inay adag tahay sameynta lacag u eg oo been-abuur ah, wayna sahlan tahay in laga garto lacagta kale ayuu sii raaciyay.

Lacagta cusub ayaa isugu jirta daabacaadyo kala ah 1000, 2000, 5000, 10,000, 20,000 iyo 50,000 shilin Soomaali.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale