1: Thursday, December 6, 2012 - 12:23:50
2: 533 Jeer.

DHACDO XANUUN BADAN: Oday Soomaali ah oo dhaqaale-xumo darteed isagu dilay magaalladda Dubai ee dalka Iimaaradka Carabta (UAE)..

Waxaa Qoray:

DHACDO XANUUN BADAN: Taliye-xigeenka Boliska ee magaalldda Dubai ee dalka Iimaaraadka Carabta, Sarreeye Gaas Matter Khamiis Al-mwzaina, ayaa shaaca ka qaaday inay soo af-jareen baaritan ay ku hayeen sababihii uu isku dilay Nin u dhashay dalka Somalia, kaasi oo bishii hore ee November 27-dii is-dilay.

Sarkaalku, waxa uu xusay inay ogaadeen inuu Odayga Soomaaliga ee is-dilay ay la soo gudboonatay xaallad dhaqaale-xumo, kadib, markii uu in muddo ah Xabsiga ku jiray.

Odaygaasi oo da’diisa laguqiyaasay 62-jir ilaa 68-jir ayaa waxa uu iska soo tuuray Dabaqa Afaraad ee Hotelka Gloria oo ku yaalla magaalladda Dubai, wuxuuna isagoo mayd ah ku dhacay waddada hareer marta Hotelkaasi, oo ku dhow Dubai Internet City.

War laga soo xigtay Boliska magaalladda Dubai ayaa sheegay in 0daygaasi uu is-dilay, iyadoo uu Reerihiisa ka waayey wax taageero ah, si uu u helo dhaqaale uu noloshiisa ku maareeyo.

Warbixinta ayaa lagu xusay inuu 0daygu isku-dilay dhaqaale-xumida soo wajahday, isla markaana uu u arkay inuu dhibkaasi kaga bixi karo inuu is-dilo.

Waa falkii labaad ee noocaasi ah oo ka dhaca Dubai muddo isbuuc gudaheeda ah, iyadoo Muwaadin kale oo u dhashay dalka India uu is-dilay, kadib, markii uu culays kala kulmay Shirkaddii uu u shaqeynayey.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit
Magaaladda Jabouti
Email: wararka@live.se

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale