Waxaa la aqristay: 674 Jeer.
(DHACDO CUSUB). Muhaajiriin Soomaali ah oo Israel qaxootinimo isaga dhiibay.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Kala-yaacii Colaadaha Sokeeye ee Somalia ka dhacay, waxa uu sababay inay Soomaal badan u tahriibto dalalka kale, si ay nolol iyo nabad uga helaan.
Muhaajiriinta Soomaalida waxay magangeliyadda uga badan ka heleen Dalalka Djibouti, Kenya, Uganda, Yeman, Masar, Maraykanka, Dalalka Yurubta Galbeed, Canada, Austalia, New Zealand iyo kuwo kale.
Laakiin waxaa naadir ah inay Qaxooti Somali ah maciin bidaan inay u tallaabaan Israel, si ay magangeliyo iyo nolol cusub uga helaan.
Mid ka mid ah Muhaajiriinta Soomaalida ee tegtay Israel ayaa ah Dahir Dhudy oo 27-jir ah, kaasi oo ugu dambeyntii loo fududeeyey inuu Deganaansho ka helo dalka Maraykanka, wuxuuna haatan ku nool yahay Deegaanka Queens ee magaalladda New York.
Daher Dhudy, isagoo la hadlayo Arday fara badan oo ku sugnayd Xarunta Rutgers Hillel’s Center for Israel Engagement ee magaaladda New York, ayuu ka sheekeeyey Safarkiisa Tahriibka min Somalia ilaa Isarel ilaa Maraykanka.
Daher Dhudy ayaa sheegay isagoo 16-jir ah inay iyo walaalkiisa ka soo qaxeen Somalia, kadib, markii ay familkiisa ku geeriyoodeen colaadaha ka jira Somalia.
Dahir waxa uu sheegay inay isaha iyo walaalkiisa qaxooti ahaan isaga dhiibeen dalka Masar.
Waxa uu sheegay inay muddo shan sanno joogeen dalka Masar, kadibna uu go’aansaday inka mid ah dalalka Sudan, Libya ama Israel.
Waxa uu sheegay inuu dhowr bilood urursaday lacagta Tahriibka, waxayna isaga, Walaalkiisa iyo dhallinyaro kale isla qaadeen inay u tallaabaan Israel.
Dahir, Walaalkiisa iyo dhallinyarro kale waxay kharaj siiyeen Dadka wax tahriiba, si ay uga gudbiyaan xuduudka Masar la wadaagto Israel.
Dhallinyarraddaasi Qaxootiga ah wwy ogaayeen inuusan sahlanayn Tahriibkaasi, maadaama ay Tahriibayaal badan naftooda ku waayeen isku-daygoodii si ay u gaaraan Israel oo kale.
Daher Dhudy waxa uu ka sheekeeyey dhibaatadii ay la kulmeen Tahriibkooda, wuxuuna xusay markii ay gaareen Xuduudka Israel inay Ciiddamadda Ammaanka joojiyeen isaga iyo Walaalkiisa iyo dhowr kale oo ku wehlisay safarkaasi.
Waxa uu tilmaamay inay Askarta qabatay ku yeen hadlaLuqadda Carabiga, isla markaana ay u maleeyeen inay Askar Masaari u gacan-galeen.
“Waxaan ahaa qofka keliya ee Luqadda English ku hadli karay, waxaana Luqadda Englishka muddo shan sanno ahayd ka bartay Kaniisad Catholic oo ku taalla dalka Masar” ayuu yiri Daher Dhudy.
Waxa uu intaasi ku daray inay Askarta markii hore ula muuqdeen kuwo aan go’aansanin tallaabadda ay qaadi doonaan, ka hor intaysan mudo dhowr saacadooda nagu haynin Xero dadka lagu hayo.
“Xarunta nalagu hayey, waxaan ka helay sariir, waxaa nagu soo aaday Sarkaal wanaagsan, waxaa nala siiyey boorso weyn oo Caleenta Shaaha ka buuxay yo cunto aan cuno” ayuu yiri Dahir, oo intaasi ku daray inay Saraakiil ka socotay Hayadda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) iyo Israel la yeesheen Wareysi la xiriira siday isaga iyo kuwa kale ugu soo tahriibeen xuduudaha Masar iyo Israela.
Wixii markaa ka dambeeyey Dahir Dhudy, Walaalkiisa iyo kuwii la socday waxay heleen Hoy ay ku noolaadaan, iyagoo ugu dambeyntii shaqo ka helay Baar ama Restaurant laga cunteeyo.
Dahir Dhudy waxa uu shaqsi ahaan Waxbarasho ka bilaabay Xarunta Waxbarashadda ee ”The Interdisciplinary Center Herzliya in Israel “, halkaasi oo uu ugu dambeyntii la xiriiray Saraakii la xiriiray, oo uu ka socday Waxbarasho Dibedda (Scholarship).
Maamule-ku-xigeenkii Xaruntaasi, ayaa u sheegay inay jirto Hay’ad NGO ah oo lagu magacaabo (Israel at Heart) oo qaabisha dadka Qaxootiga.
Hay’adda “Israel at Heart” waxay Dahir Dhudy waxay u oggolaatay in Waxbarasho loogu qaado dalka Maraykanka, isagoo Cilmiga Dowladnimadda iyo Diplomaasiyadda ka baranayo Xarunta the Interdisciplinary Center Herzliya .
Waxaana lagu wadaa inuu dhawaan qalin-jebiyo.
Dahir Dhudy oo ku faraxsan Nolosha uu Maraykanka ka bilaabay ayaa sheegay in Walaalkiisa ka weyn iyo dhowr Soomaali kale ay weli Qaxootinimo ugu nool yihiin Israel.
Xigasho:- www.dailytargum.com
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
asc waxan somali manta usheegay inay noo so gudbin nin mustaqbal lug so diri dono somali waxa wax lobaray wa lagu shaqesanay waxan la ogada in maskaxda laga badalikaro wy wuu yaryahay somalida isreal kadonayo qoxotina waxan uarka inay muslin aheyn
Ninkan walhi aniga waxaan filaa in uu muslim aan aheyn marka waxaan ka baryaa qolada wabseedka qof diinta ka baxay ariintisa waxba ha buun buunin wayo ma wangsan sharci ahaan wadane mahadsantina
Bax dheh ninkaan hadii qisadiisa fiirisid wuxuu u ek yahay nin diinta ka baxay waayo nin kaniisad 5 sano luqad ka baranaayo ma jiraa luqad hal sano ayaa lagu bartaa marka wuxuu baranaayay toos ha u qeexo saqajaanka oo magaca soomalinimo meel ugu dhacay