Waxaa la aqristay: 214 Jeer.
DEG DEG. Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Masar oo soo gaaray Magaaladda Muqdisho.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Wasiirka arimaha dibada dalka Masar, Alsayid Mohamed Kamel Amir iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Barqanimadii Maanta ka soo degay Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho
Wafdigan oo ah Wafdigii ugu heerka sareeyay ee ka socda Dalka Masar ayaa waxaa Garoonka ku soo Dhaweeyay Wasiirka arimaha dibada Somalia, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi, Xildhibaano iyo Diplomaasiyiin.
Si kastaba ha ahaatee Wafdiga ka socda Dowladda Masar, waxaa lagu wadaa inta ay joogaan Magaaladda Muqdisho inay la kulmaan Madaxda sare ee Somalia
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨



