HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Wednesday, December 5, 2012 - 07:26:08
Waxaa la aqristay: 147 Jeer.

Dalglish iyo Alan Hansen oo ku luuqeeyay hees tabarucaad loogu sameeyay qoysaskii dadkooda ku waayay musiibadii Hillsborough

Waxaa Qoray:


Xidigihii hore ee kooxda Liverpool Kenny Dalglish iyo Alan Hansen ayaa codkooda ki biiray hees loo qaaday muusiibadii Hillsborough taas oo lacag loogu aruurinayay dadkii ay ehelodoodu ku dhinteen dhacdadaas.

Show lagu qabtay magaalada Liverpool ayaa lagu soo bandhigay heesta la yiraahdo He’s My Brother. Oo loo qaaday musiibadii ay ku dhibtaan 96-da taageere ee kooxda Liverpool sanadkii 1989-kii.

Heesaga weyn ee Britsh-ka Paul McCartney oo iskalahaa miraha heestaan ayaa ku luuqeynayay waxaana gadaashiisa ka qaaday fananiin ay ka mid yihiin Robbie Williams, Gerry Marsden, Melanie C, Paloma Faith , MacGowan iyo labada ciyaariyahan ee Kenny Dalglish, iyo Alan Hansen oo labaduba usoo ciyaaray Reds.

Heestan ayaa goysay qiimo dhan £1million oo pound waxaana lacagtaas lagu caawin doonaa eheladii ay ka dhasheen dadkii ku dhintay musiibadii Hillsborough oo dhacday 1989 –kii Semi Final-kii FA Cup ciyaar udhaxeysay Liverpool iyo Nottingham Forest.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale