1: Friday, December 7, 2012 - 10:48:33
2: 145 Jeer.

Dagaal Saakay Ka Dhacay Kismaayo

Waxaa Qoray:


Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dawlada Somalia iyo Al shabab ayaa waxa la sheegayaa inuu ku dhex maray saakay magaalada kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ,dagaalkaas oo ka dhacay xaafada lagu magacaabo Farjano sida la tilmaamay waxaa weerarka soo qaaday Shabaab.

Qasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxaa la sheegaya inuu hal qof oo ku dhintay oo sida la sheegay ay shabab halkaasi dhaawac ahaan kaga carareen isla halkaasina ciidamada dawladu ku dhamaystireen,sidoo kalena ilaa saddex qof oo rayid ah ayaa iyagana ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Kismaayo ayaa ilaa intii lagala wareegay gacan ku ahaynteeda waxa Alshabab ay ka gaaysanayeen falal iskugu jira dilal ,qaraxyo, iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale