1: Wednesday, December 12, 2012 - 11:45:10
2: 86 Jeer.

Dagaal dhimasho sababay oo dhex maray Puntland iyo Burcad badeed

Waxaa Qoray:


Wararka naga soo gaaraya degmada Garacad ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in hal askari oo kamid ah ciidamada bada ee Puntland uu ku dhintay iska horimaad ka dhacay degmada kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamada oo u socday inay soo furtaan markab ay afduubeen koox burcad badeeda ah.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garacad ayaa sheegaya inay hada xaaladu degen tahay.

Burcad badeeda ayagu heystay markabka ayaa la sheegay inay weli heystaan markabkii, ayadoo lagu guuleysan waayey in burcad badeeda laga dejiyo markabkaasi.

Kooxda burcad badeeda ayaa la sheegay inay jidgooyo dhanka beriga ah u dhigeen ciidamada soo gaaray meel Waqooyiga ka xigta magaalada Garacad una jirta 30km, halkaasi oo la sheegay in ciidamada iska caabin kala kulmeen kooxda markabkaasi heysta.

Diyaarad ay leedahay shirkada Saracen oo gacan siineysay ciidamada Bada, ayaa la sheegay in burcad badeeda ay rasaas ku rideen. Ayadoo la sheegay in sidoo kale dhaawacyo soo gaareen dhinaca burcad badeeda halka wararkale sheegayaan inuu ka dhintay mid kooxdii jidgooyada u dhigtay ciidamada.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale