1: Wednesday, December 5, 2012 - 11:54:57
2: 669 Jeer.

Dadka Reer Hindiya oo Barakaysta Haweenay Dhirirkeedu yahay 80-cm + Sawiro

Waxaa Qoray:


Haweenay u dhalatay dalka Hindiya oo lagu magacaabo, Anjali Parma ayaa noqotay, mid laga barakaysto, oo dalka oo dhan looga soo safro, haweenaydan oo ah mid aad u gaaban, oo dherarkeedu dhan yahay 82-cm, waxa da?deeda lagu qiyaasay shan iyo lixdan jir, waxaanay leedahay macbad iyada darteed loo yimaado.

Sida wakaaaladaha wararka dunidu ku warameen, waxa haweenaydan dadka u yimaada macbadkeedu u caabudaan sidii qof karaamaysan oo wax badan u qaban karta kana caawin karta arrimaha ku cakiran, waxa ay haweenaydani iyada lafteedu aaminsan tahay inay tahay qof karaamo leh oo wax badan u qaban karta dadka.

Haweenaydan ayaa muddo dheer u xarbiyaysay sidii ay qudbi samaan laga barakaysto ugu noqon lahayd dadka reer Hindiya ee diin la?aantu bariisatay.

Anjali Parma oo sidoo kale lagu magacaabo, [Ganga] ayaa tidhi, waxa ay dadka badankoodu ii aaminsan yihiin, inaan ahay qof gaaban waan necbaystaa, laakiin dadka oo dhan ayaa ii rumaysan inaan ahay qof baahidooda aduun oo dhan wax uga qaban kara.

Haweenaydan ayaa dadka baryayaa wax badan, u rumaysan yihiiin, waxaanay waydiistaan, ubadka, dhaqaalaha, fiisooyinka iyo in xitaa imtixaanada ay ku baasaan, dhamaan waa arrimo la yaab leh, waxaana loo keenaa lacagto tiro badan oo loo sheego inay tahay ajuuro, waa arrin layaab leh qof la baryayo oo haddana la siinayo lacag.

Waxaa Qoray
Faysal Maxamed Xasan

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale