1: Thursday, December 6, 2012 - 17:31:47
2: 79 Jeer.

Dad xoolo dhaqato ah iyo Al Shabab oo ku dagaalamay gobalka Sh/hoose

Waxaa Qoray:


Gudoomiyaha maamulka dowlada Somalia ee degaanka Leego Axmed Abuukar oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in iska horimaadkaas uu bilowday markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo diiday iney siiyaan xoolo ay ku sheegeen Sakawaat.

“Dagaal adag baa halkaas ka dhacay nimankii shabaab ahaana waxaa laga gubay gaari caasi ah oo ay ku qaadan jireen xoolaha ay dadka ka dhacaan, sadex nin oo gaariga ku dhex jirtayna wey ku dhinteen meydadka kale oo dagaalka looga dilayna wey jiiteen, dhinaca xoolo dhaqatada wax khasaare ah sooma gaarin” ayuu intaa ku daray Gudoomiyaha.

Waxaa uu sheegay gudoomiyuhu in xoolo dhaqatada shalay dagaalka gashay ay is hubeeyeen ka dib markii maalmo ka hor xoogaga Al-shabaab ay si xoog ah xoolo geel uga badan kaga qaadeen xoolaley kale taasoo ay sheegeen iney tahay sakawaat.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay dhinaca xoogaga Al-shabaab oo ku saabsan iska horimaadka ka dhacay duleedka degaanka Leego ee gobolka Sh/hoose, mana jiraan warar madax banana oo tafaasiil ka bixinaya sida ay halkaas wax uga dhaceen marka laga sioo tago sheegashada gudoomiyaha degaanka Leego.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale