Waxaa la aqristay: 197 Jeer.
Dad ku dhintay Dagaal ka dhacay duleedka Gaalkacyo
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Labo qof ayaa geeriyootay, labo qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska hor-imaad maanta ciidamada maamulka Galmudug iyo koox maleeshiyo ah ku dhexmaray duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii ay ciidanku weerar ku qaadeen dabley hubeysan oo ay jidgooyo u taallay duleedka koonfureed ee Gaalkacyo, iyadoo ay kooxdu rasaas kala hortagtay ciidanka.
Saraakiisha ciidanka amniga ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka tirsanaayeen kooxda dableyda ah, waxayna tilmaameen in afar qof oo ka tirsan maleeshiyada ay gacanta ku dhigeen.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨