Waxaa la aqristay: 227 Jeer.
Dacwaddii loo heystay Nin Kenyan ah oo kufsay gabar Soomaali ah oo dib loo dhigay!
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Waxaa dib loo dhigay dacwad lagu soo oogay Nin Kenyaan ah kaasi oo looga shakiyey inuu kufsaday gabar yar oo Soomaali ah taasi oo la dilay markii ficilka foosha xun lagu dhaqaaqay, dhamaadkii Sanadkii 2012 kaa oo ka dhacay magaalada Mombasa ee Dalkaasi Kenya.
Aabaha dhalay gabadhaasi Bishaar Cabdi Ibraahim ayaa waxaa uu sheegay in Maxkamadda ay dacwad qaadista dib u dhigtay, dowladda Kenyana aysan wali wax xal ah u helin dhibaatada dhacday, islamarkaana aan wax go’aan ah laga gaarin wali.
Bishaar Cabdi Ibraahim ayaa waxaa kale oo uu sheegay isaga oo la hadlayey idaacadda VOA inuu san kalsooni ku qabin Sharciga dalka Kenya taasi oo ay sii dheer tahay ayuu yiri iyada oo lagu jiro xilli Isbel ah oo doorasha dalkaasi ay soo dhowdahay.
Dalka Kenya ayaa Soomaalida ku nool waxaa ay la kulmaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin dil, Barakicin, Kufsi, Jirdil, Xarig iyo tacadiyo kale oo badan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨



