Waxaa la aqristay: 1,049 Jeer.
(DAAWO SAWIRADDA). WARBIXIN:- Amiir Saudian oo Muwaadin Somali ku dilay Dalka Britain.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi

Amiir Saud Bin Abdulaziz Bin Nasir Al-Saud, oo ka tirsan qoyska Boqortooyada maamusha Dalka Saudia, ayaa lagu soo waramay in laga soo wareejiyay Xabsigii uu ku xirnaa ee ku yaalla Dalka Britain.
Amiirkaas oo xabsi daa’in ku xukunaa ayaa maalintii Isniinta la soo dhaafay dib loogu soo celiyay Dalkiisa, si uu ugu dhameysto Xabsiga inta ka hartay Noloshiisa.
Gacan-ku-dhiigle Amiir Saud Bin Abdulaziz Bin Nasir Al-Saud, oo 36-Jir ah ayaa wuxuu Sanadkii 2010-kii ku dilay Hotel ku yaalla Magaaladda London Adeegihiisa oo u dhashay Somalia, lana oran jiray Bandar Abdiaziz.
Filim laga qaaday dhacdadaas ayaa waxaa laga dheehday Gacan-ku-dhiiglaha oo laad iyo haraanti la dhacay Marxuumka, oo isagu jugtaas u geeriyooday.
Gacan-ku-dhiiglaha ayaa waxaa xukun xabsi daa’in ku xukuntay Maxkamad ku taalla London, Inkastoo haatan loo soo wareejiyay xabsi ku yaalla Dalka Saudia.
Dowladaha Britain iyo Saudia ayaa isku waafaqay in Amiirkaas Gacan-ku-dhiiglaha ah loo soo wareejiyo Xabsi ku yaalla gudaha Saudia, iyadoo Wararka qaarkood ay sheegayaan in Gacan-ku-dhiiglaha uu sii xirnaan doono 20-sanno, kadibna ay suurtogal tahay in la sii daayo.
Dhinaca kale, Heshiiska labada Dowladood ayaa waxa uu horseedi karaa inay is dhaafsadaan Maxaabiista u kala dhashay labadaasi dal ee ku kala xiran Xabsiyada.
Toban Maxbuus oo u dhalatay Dalka Saudia ayaa haatan ku xiran Xabsiyada Britain, iyadoo Lix maxbuus oo British ah ku xiran yihiin Xabsiyada Saudia.
Waxaa Turjumay:- Ustaad Nuradin Abokar Ahmed ”Diini-Yare”
Freelance Journalist
Xigasho:- The Times
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨





