1: Sunday, February 3, 2013 - 13:52:20
2: 691 Jeer.

(DAAWO SAWIRADDA) Sida Jaaliyadda Soomaalida Dalka Ingiriiska ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia iyo Wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen dalkaasi Ingiriiska

Waxaa Qoray:

1

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa Habeennimadii xalay Xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay Dalka Ingiriiska Xili isaga iyo wafdigiisa halkaasi ay socdaal ku joogen

Madaxweynaha ayaa waxaa la socday Marwo Qamar Cali oo ah Marwada koowa iyo wasiiradda Arimaha Dibadda Somalia iyo waliba wafdi ballaaran oo katirsan Xukuumadda

Jaaliyadda soomaalida dalka Ingiriiska ayaa si heersare usoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa uuna xafladaasi madaxweynaha Jaaliyadda ugu sheegay xaaladda Somalia halka ay iminka marayso iyo kaalinta Qurba joogta

Furitaankii xafladda soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya waxaa magaca Jaaliyadda Ingriiska waxaa ku hadley Mudane Cabdi Cumar, waxaana uu ku dheeraadey xafladda ballaran iyo qaabkii loo soo agaasimey iyo sida ay Madaxweynaha ugu soo dhaweynayaan dalka Ingriiska, sidoo kale waxaa xafladda ka hadley Siyaasi hore isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtey Soomaaliya Cismaan Jaamac Cali (Kaluun), Cismaan Kalluun ayaa hadalkiisa ku soo qaatey in Soomaalidu wixii kala gaarey ay meel iska dhigaan isla markaana mustaqbalkooda dhistaan.

Intaa kadib Madaxweynaha, ayaan wax cusub oo aan horey loo maqal sheegin waxaana uu jaaliyadda warbixin ka siiyay xaaladda uu hadda dalka ku sugan yahay iyo istaraatijiyadda Lixda Tiir siyasadeed. Waxaa kale uu ka hadlay safarkiisii uu ku gaaray dalka Maraykanka, kaasna ku tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday

Si kastaba ha ahaatee waxaa sidoo kale goobta ka hadlay dadkii kasoo qeybgalay xafladda iyaga oona fikrado qiima fiican usoo jeediyay Madaxweynaha iyo wafdigii uu hoggaaminaayay waxa ayna xafladda kusoo idlaatay sidii loogu tala galay

DAAWO SAWIRADDA:-

1

2

5

4

6

8

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale