HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Monday, January 21, 2013 - 18:40:44
Waxaa la aqristay: 1,511 Jeer.

(DAAWO SAWIRADDA). Maguursan lahayd adiga oo caafimaad-qaba Gabar Cuuryaan ah oo aan luga lahayn !!! (Qoraal Turjuman)

Waxaa Qoray:

216-300x199

Qisadaani oo dhex martay Gabar Cuuryan ah iyo wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Lubnaan

Jaceylka labada ruux oo socday muddo ku dhawaad 3-Sanno waxa uuna markii danbe ku biya shubtay Aroos, Gabadha Cuuryaanta ah ayaa lagu magacaaba Sumaya Cabdi ilaah halka wiilka isaguna lagu magacaabo Mucaad binu Faisal oo labadooduba kasoo jeeda Qoysas Faqiir ah

Sumaya Cabdi ilaah waa Gabar Cuuryan ah waxa ayna Jeclaatay sida Qisada ay sheegeyso Wiilka lagu magacaabo Mucaad oo ah dhalinyaro in mudda ah kadib isaguna wuu aqbalay Jaceylka isaga oo aan eegin in Sumaya ay tahay Cuuryan ama ay dhameystirantahay dhanka Jirkeeda

Jaceyl kadib waxaa la gaaray xiligii ay is calfan lahaayen waxaana suura gashay in Sumaya iyo Mucaad ay aqal galaan waxa ayna arintaasi amakaak ku noqotay asxaabta Mucaad oo aan waxba kala socon Jaceylka dhex maray Mucaad iyo Sumaya

Mucaad waxa uu ahaa Ruux aad u Jeclaa Sumaya oo Cuuryan ah isaga oona aaminsanaa in Jaceylka uusan ahayn mid lagu doorto muuqaalka ama Jirka balse waxa uu ahaa ruux aaminsan in mar waliba uu guursanaayo qofka uu alle nasiibka ugu daro waxa uuna nasiib u yeeshay Sumaya oo cuuryan ah in mudda ahna jaceyl la jilaayay

Waxa ay isku dhaleen Canugii ugu horeeyay oo muuqaal ahaan ka qurux badan aabihiisa iyo hooyadiisa waxa ayna arintaasi amakaak ku noqotay dhalintii aaminsanaa in qurux lagu dhalo qurux kale, balse kama aynan fakirin in calafku uu yahay mid aan la garan karin halka uu cagta dhigaayo

Ugu danbeyn Lamaanaha ayaa iyagu iminka ka muuqaal qurxan dadka aaminsan in quruxda ay tahay mid dadka lagu xusho waxa ayna Qisadaasi tusaale u tahay in Jaceylka uusan lahayn muuqaal gaar ah oo leysku xusho.

DAAWO SAWIRADDA :- 

216-300x199

 

135-300x199

313-300x250

410-300x199

512-300x241

610-300x199

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale