1: Friday, February 22, 2013 - 17:50:23
2: 162 Jeer.

(DAAWO SAWIRADDA). Jaaliyadda Soomaalida Kuwait oo soo dhaweysay Golaha Guurtida Soomaliyeed ee UK.

Waxaa Qoray:

 

Wafdi uu Hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Guurtada Soomaaliyeed ee UK Mudane Shariif Cumar Axmed oo ay kamid ahayeen Maxamed Sharif xiriiriyaha Jaaliyadaha , Maxamud Maxamed Maxamud u qaabilsanaha xiriirka caalamiga ayaa waxa ay booqasho ku soo gaareyn dalkan Kuwait oo ay marti galiyeen Jaaliyada soomaaliyeed ee kuwait  waxaan soo dhaweyey safiirka jamhuuriyada soomaliyada ee Kuwait Ambassador C/qaadir Amin Sheikh iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Maxamud xaaji maxamed “Khumeyni”  iyo xubno sare oo ka mid ah jaaliyada kuwait.

Wafdigan iyo jaaliyada oo durbadii kulan ku qaatey dhismaha Safaarada goobjoogna uu ka ahaa Qunsulka Safaarada Mudane Abiib Muuse Faarax waxay ka wada hadleen safar socodka iyo ujeedada wafdiga halkaan ay wafdigu ku sheegeen in uu ujeedkoodu yahay kuna hawlan yihiin isku keenida iyo sameynta Golaha guurtida jaaliyadaha soomaaliyeed ee Dunid oo dhan si ay uga qeyb qaataan wax uqabadka iyo dib-udhiska dalka ayna garteen in ay ka bilaabaan Jaaliyada Kuwait oo ay sida ay sheegeen ah jaaliyadaha ugu tayeysan uguna firfircoon jaaliyadaha hada iyo jeerna  isku hawlo.Martigelinta wafuuda jaaliyadaha iyo shakhsiyad soomaaliyeed kuna amaaney hawlkarnimadaas.

Wafdigu waxay ka qaybgaleen Casho Sharaf soo dhaweyn ah iyo sidoo kale kulan guud la qaatey xubno ka mid jaaliyada iyo ururada ku abtirsada jaaliyada sida Golaha Hiddaha iyo dhaqanka, ururka Ardayda, Ururka Dalsan halkaas oo su’aalo lagu weydiiyey gudiga ayna ka warbiyeen sida ay u arkaan dhismaha guurtida oo ah in jaaliyad walba iska soo doorato xubno ilaa 3 xubnood gaaraya sidaasna uu ku dhismayo Golaha guurtida Jaaliyadaha.

Gebagebadii Wafdigan ayaa codsi ah furista sanduuq dhaqaale oo ka qeybqaata dib u dhiska dalka u soo jeediyey Jaaliyada Kuwait isla madashaasna jaaliyadu ku aqbashey codsigaas.

DAAWO SAWIRADDA:-

 

 

 

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale