Waxaa la aqristay: 27 Jeer.
Daa’uud Xaaji Ciiro: waa la isku haleyn karaa ammaanka Magaalada Jowhar
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Maamulka gobolka Sh/dhexe ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in la isku halayn karo ammanaka Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolkaasi, islamarkaana uu yahay mid hagaagsan.
Daa’uud Xaaji Ciiro Afhayeenka maamulka Gobolka Sh/dhexe ee Dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ammaanka Magaalada Jowhar xilligani la isku halayn karo islamarkaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleen ammaanka Degmadaasi.
“Shacabka Degmada Jowhar iyo Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed ayaa iska kaashaday sugidda dhanka ammaanka Degmadaasi, haatanna ammaanka jowhar waa mid la isku halayn karo” ayuu warbaahinta u sheegay Daa’uud Xaaji Ciiro.
Shacabka ayuu sheegay inay ciidanka ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan waxyaabo dhanka ammaanka qatar ku keeni kara, taasi oo uu ku tilmaamay mid wada shaqeyn fiican ay shacabka la leeyihiin.
Magaalada Jowhar e xarunta gobolka Sh/dhexe oo iminka xaalkeeda uu yahay mid wanaagsan ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca falal liddi ku ah dhanka ammaanka Degmadaasi, tan iyo markii Ciidamada Dowladda ay ka qabsadeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨