1: Friday, January 4, 2013 - 00:06:22
2: 203 Jeer.

Daahir Dhiilow: “Maamulka G/Banaadir wuxuu bilaabay inuu jardiinooyinka danta guud ka iibiyo ganacsatada”

Waxaa Qoray:

IMG_1773
Agaasimaha Waaxda Isgaarsiinta G/Banaadir Daahir Dhiilow Gaabow ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayo inaysan jirin cid u maqan, loona baahan yahay inay dantooda gartaan, kana hor yimaadaan cid kasta oo wax u dhimeysa bilicda caasimada Muqdisho iyo dhammaan dalka oo dhan.

“Jardiinadii weyneyd ee ku tiil agagaarka Saldhigga Bari waxaa haatan lagu bilaabay in la dhisto, iyadoo maamulka Gobolka Banaadirna uu dhulkaasi ka iibiyay ganacsato si ay u gashtaan kaalimo shidaal, taasina waa mid mamnuuc ah kana hor imaaneysa bilicda caasimadda iyo shuruucda G/Banaadir” ayuu yiri Daahir Dhiilow Gaabow oo warfaafinta la hadlayay.

Sidoo kale Agaasimuhu waxa uu sheegay in jardiinadaasi la dhisayo markeedii hore la dhisay 1962-kii, wuxuuna sheegay in dowladihii isaga dambeeyay ee dalka soo maray aysan waxba ka bedelin dhismaha jardiinkaasi.

“Waa ayaan darro Guddoomiye Tarsan inuu arrintaasi u bareero, isla markaana uu ka iibiyo ganacsato goobaha danta guud ee shacabka loogu adeego” ayuu yiri Daahir Dhiilow oo sheegay in maadaama uu isagu ka tirsan yahay maamulka G/Banaadir hadana uu arrintaasi u dulqaadan waayay kana aamusi waayay.

Agaasime Daahir Dhiilow wuxuu sheegay in Guddoomiyaha G/Banaadir uu horay u iibsaday dhulal fara badan oo Dowladdu lahayd, qaarkoodna danta guud ahaa, wuxuuna isweydiiyay “Tarsan ma waxaa deeqi waayay dhulalkii uu horay u iibsaday?”, wuxuuna ugu baaqay Guddoomiye Tarsan inuu arrintaasi ka digtoonaado.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale