HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, February 3, 2013 - 08:59:55
Waxaa la aqristay: 213 Jeer.

Cristiano Ronaldo oo sabab u ahaa in laga adkaado kooxdiisa Real Madrid!

Waxaa Qoray:

ronaldoo

Cristiano Ronaldo ayaa xalay gacantiis ku gowracay kooxdiisa Real Madrid markii gool uu iska dhaliyay (ka’ma Gool) ay ugu adkaaday 1-0 kooxda Granada.

Los Blancos ayaa guul daradii xalay waxay ka dhigan tahay in aysan rajo ka lahayn dafacashada horyaalka oo dhibco badan looga hoggaaminayo.

Waxa uu ahaa goolkii ugu horreeyay ee uu iska dhaliyo Cristiano Ronaldo, waxaase arrintaas oo dhan ka sii daran in 15-dhibcood hoggaanka looga qaban doono haddii Caawa ay adkaato kooxda Barcelona.

Kooxda Real Madrid ayaa uga jirta horyaalka kaalinta saddaxaad waxa ayna leedahay 43-dhibcood oo kaliya.

Ciyaartii Xalay waxa ka soo qeyb galay 23000 oo tageeryaal ah, waxayna ka dhacday garoonka Estadio Nuevo Los Cármenes ee ay ku ciyaarto kooxda Granada, garsooraha ciyaartana waxa uu ahaa Antonio Mateu.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale