1: Thursday, February 21, 2013 - 13:36:04
2: 1,314 Jeer.

Codkii Aadan Xaashi Ceyrow oo muran ka dhex dhaliyay Dacwad loo heysto Soomaali lagu maxkamadeynayo Dalka Mareykanka.

Waxaa Qoray:

 

 

Maxkamad ku taala Magaaladda (SAN DIEGO) ee Dalka Mareykanka ayaa la soo taagay Afar nin oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu Eedeeynayo inay lacago u xawili jireen Kooxda Al-Qacidada Somalia ee Al-Shabaab.

Ragaasi ayaa la sheegay inay Xawaalado ku yaalo Magaaladda San Diego uga xawileen Kooxda Al-Shabaab lacag dhan $8,500-Dollar, mudadii u dhaxeysay December 2007-dii ilaa Agust 2008. 

Xeer ilaalinta Federaalka Mareykanka ayaa sheegtay in lacagtaasi la xawilay loo diray si loogu taageero Kooxda Al-shabaab oo ay Dowladda Mareykanka Bilowgii Sanadkii 2008-dii ku dartay Liiska Kooxaha Argagixisada Caalamiga, kadib markii Kooxdaasi ay sheegatay inay Masuul ka tahay Qaraxyo,dilal qorsheysan iyo Weeraro lagu qaado Ciidamadda Nabad ilaalinta u jooga Somalia (AMISOM).

Eedeysanayasha Maxkamada la soo taagay ayaa waxa ay magacyadooda kala yihiin, Basaaly Moalim oo ah Darawal taksiile kaasi oo Xeer ilaalintu ku tilmaantay  inuu yahay inuu yahay qofka isku xiraayay Eedeysanayasha lacagta xawilayay iyo Kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kaloo Eedeysanayasha kamid ah Mohamed Mohamud Mohamed oo ahaa imaamka Masjidka (City Heights Mosque) iyo issa Doreh oo ah Shaqaale Xawaaladle lacageed iyo Ahmed Nasir Taalil Mohamud oo ah Taksiile.

Xeer ilaalinta waxay soo bandhigtay Cajalad Cod ah oo laga duubay iyagoo Eedeysanayasha Soomaalida ay la hadlaayen Hogaamiyihii hore Alshabaab, Marxuum Aadan Xaashi Ceyrow oo isagu ku geeriyooday Duqeyn ay Militariga Mareykanka geesten Bishii May Sanadkii 2008.

Kaaliyaha Xeer ilaaliyaha Mareykanka oo lagu magacaabo William Cole ayaa sheegay in Eedeysanaha Basaaly Moalim laga duubay isagoo la hadlay Aadan Ceyrow, wuxuuna Kaaliyuhu soo bandhigay Cadeymo Cod-kii la duubay, wuxuuna ku dooday inuu Codkaasi uu yahay Codka Rasmiga ee Aadan Ceyrow, in kastoo Garyaqaanka Difaacayay Eedeeysanayashasi beeniyay arintaasi.

Kaaliyaha wuxuu sheegay in Eedeysanahaasi uu isticmaali jiray Naaneyso kala duwan, sida naaneysta Shiiqaalow.

Garyaqaanka difaacayay Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Joshuwa Dratel ayaa shaki galiyay Codka Aadan Ceyrow ee la soo bandhigay wuxuuna sheegay in Codkaasi yahay nin ku sugan Dalka DJibouti oo Marqaati ahaan Codkaas looga soo duubay.

Dood xoogan ayaa dhex martay Garyaqaanka iyo Xeer ilaalinta Maxkamadda, waxayna taasi sababtay in Maxkamada ay dib u dhigtay Dhageysiga dacwadaasi.

Afarta Eedeysane hadii lagu helo inay dhaqaale u direen Kooxda Alshabaab wuxuu midkiiba Muteysan karaan 15-Sano oo xabis ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale