Waxaa la aqristay: 186 Jeer.
Ciyaartooy ku dhimatay madaafiicda Suuriya
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Hal ciyaaryahan ayaa ku geeriyooday kuwo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii madaafiic ay ku dhacday garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala magalada Damascus ee Dalka Syria.
Kooxo hubeysan ayaa labo madfac la beegsaday garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo lagu magacaabo Tishreen oo ku yaala Degmada Baramkeh ee magaalada Damascus sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ee Dalka Syria.
Ciyaaryahanka geeriyooday ayaa waxa uu ka tirsanaa kooxda Al-Wathba, kaasoo goobta ku nafbaxay inta aan Isbitaal loo qaadin sida ay warbixintu sheegeyso.
Warbixintu waxay leedahay waxaa sidoo kale ay dhaawacyo gaareen dhowr ciyaaryahan oo kale kuwaas oo lagu daweynayo Isbitaalka Magaaladaasi.
Hoos u dhac xoggan ayaa soo food saartay Ciyaarahii gudaha dalka Syria tan iyo markii rabshadaha ay ka qarxeen dalkaasi, waxaana jiray inay xirmeen garoomo badan oo lagu ciyaari jiray kubbada cagta sababo amni.
Qiimeynta ciyaaraha kubbada cagta ee bil waliba ay sameyso FIFA ayaa hoos u dhacday Dalka Syria tan iyo markii ay rabshaduhu ka bilawdeen Dalkaasi.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨