1: Friday, December 7, 2012 - 19:36:05
2: 605 Jeer.

Ciyaariyahan Emre oo wajahi doono labo sano oo xarig ah

Waxaa Qoray:


Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamd ku taala magalda Istanbul ee wadanka Turkiga ayaa u yeeray ciyaaryahanka kooxda Atlético de Madrid ee u dhashay dalka Turkiga Emre Belözoglu si loo galiyo ciqaab xabsi oo dhaxeeysa lix ilaa iyo labo sano kadib markii uu midibkiisa ku caayayay ciyaaryahanka xulka Ivrey Coast Didier Zokora, sidaa waxaa qortay wargeeska dalka Turkiga ka soo baxo ‘Hürriyet’.

Arintaan ayaa la sheegay in ay dhacday makii uu uciyaari jiray kooxda Fenerbahçe, waxaana aflagaada qaawan uu ugeestay ciyaaryahanka madow ee Didier Zokora kualn eey la yeesheen kooxda Trabzonspor 15-kii April.

Emre ayaa qiratay in uu ku aflagadeeyay Zokora luuqada English,waxaana xiligas xiriirka kubada cagata dalka Turkigu ay ku ganaxeen labo kulan

kooxda Trabzonspor ayaa ugudbisay dacwad maxkamada o ku aadan arintaan, waxana ugu dambeeyntii xeer ilaaliyaha maxkamada uu go’aan ku qaatay in uu xidigaan labo sano xabsi ku qaatay

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale