HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Friday, January 18, 2013 - 09:41:40
Waxaa la aqristay: 1,240 Jeer.

Ciyaariyahan caan ah iyo Lamaantiisa oo dhac iyo Bililiqo xoogan loo gaystay

Waxaa Qoray:

lawendweski
Weeraryahanka Qaranka Poland iyo kooxda Borussia Dortmund ee horyaalka Germany Robert Lewandowski iyo Lamaantiisa Anna ayaa waxaa lagu dhigay lama arag iyo lama maqal ka dib markii Tuugo Gurigooda u daba mareeysay ay ka rarteen wax alaale iyo wixii qiimo leh ee gurigaas yaalay.

Tuugada Guriga Laacibkaan iyo Lamaantiisa Bililiqeeystay ayaa aad loola yaabay maxaa yeelay waxa ay Tuugadaan ku guuleeysteen in ay si toos ah u damiyaan Kaameradii duubi jirtay qofkii soo galaa Gurigaas xiliga laga maqan yahay.

Arinta Ciidamada Booliiska sida weeyn ula yaabeen waxa ay tahay Tuugada oo markii ay guriga Xiddigaan soo galeen Kaamerada afka kaga duubay Jaakado ay wateen iyaga oo Kaamerada hoos ka soo maray si aan loo aqoonsan ama loo arkin.

Burcadaan ayaa Hoyga Robert Lewandowski waxa ay ka rarteen Qalab aad u fara badan oo Qaali ahaa balse waxa la sheegay in ay ku sii darsadeen markii ay sii baxayeen Dahabkii iyo Alaabihii kale ee Lamaanta Weeraryahan Robert Levandovski .

Weeraryahankaan ayaa bil ka hor waxaa la shaaciyay in uu ku sii jeedo xagaaga soo socda kooxda Man Utd ee horyaalka Ingiriiska.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale