HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


307 views

Xasuusta iyo Taariikhda kulanka Fulham vs Man Utd

Waxaa Qoray:


Manchester United oo hogaanka uheysa Premier League ayaa cawa booqan doonta kooxda Fulham ciyaar ka dhici doonta garoonka Craven Cottage,waxaana dhex dhexaadin dooona garsoore Kevin Friend,iyadoo geeska Afrika laga daawan doono caawa 8:30.
Kooxda Fulham

Waxaa ka maqan :- Simon Davies, Kerim Frei iyo Mahamadou Diarra

Waxaa shaki la galinaya:- Kieran Richardson iyo Dimitar Berbatov

Tababare Martin Jol ayaa la faliyaa in uu keydka soo fariisiyo xidigaha ku cusub kooxda ee Urby Emanuelson iyo Emmanuel Frimpong.

Fulham ayaa bishii dhamaatay qasaaro kala kulantay United markii lagu qaarijiyay 4-1 ciyaar ka tirsaneyd FA Cup-ka wareegiisa 4 aad.
Kooxda Manchester United

Waxaa ka maqan :- Darren Fletcher

Waxaa shaki lagaliyay:- Ashley Young iyo Jonny Evans

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa ubaahan in uu adkaado caawa si u eego natiijada ka soo bixi doonta kulanka Man City iyo Liverpool.
Xusuus kooban

Ciyartaan ayaa leh taariikh soo jireen ah .

Waxaa ay bilaabatay ciyaarta labadan koox 14-ki Janaayo 1905-tii ciyaar ka tirsameyd FA Cup-ka oo ku dhamaatay 2-2.

Horyaalka Ingriiska ayey labadan koox ku kulmeen 47 jeer waxaana 7 jeer adkaatay Fulham halka United ay adkaatay 30 jeer iyagoo bar baro noqday 10 jeer .

Dhamaan tartamada waxaa ay labadan koox ku kulmeen 79 jeer ,kooxda Fulham ayaa badisay 14 jeer halka United ay badisay 47 kulan waxaana ay bar bar dhac noqdeen 18 kulan .

 

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo kulanaan
FULHAM:-Schwarzer,Riether, Hangeland, Hughes, Riise ,Dejagah, Sidwell, Karagounis, Kacaniklic ,Ruiz, Rodallega

MANCHESTER UNITED:- De Gea,Rafael, Vidic, Ferdinand, Evra,Valencia, Cleverley, Carrick, Kagawa, Rooney, Van Persie

 

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

2 Comments for “Xasuusta iyo Taariikhda kulanka Fulham vs Man Utd”

  1. M c

    Fulhan 1-3 man utd

  2. cabdi qani

    Waxan gul urajaynaya man utd waxayna ku adkan donta 5:0 hattrick van persie and kagawa 1 roneyna 1 bye bye

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

¨ /iframe
Log in | Designed by Jimcale