HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


360 views

Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Real Madrid vs Barcelona

Waxaa Qoray:


Ciyaarta ugu xamaasada badan aduunka ayaa caawa ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid waxaana geeska Afrika laga daawan doonaa caawa 11:00.

Kooxda Real Madrid

Waxaa ka maqan :- Iker Casillas iyo Pepe oo dhaawac halka Sergio Ramos, Fabio Coentrao iyo Angel Di Maria ay ganaax ku maqan yihiin.

Tababare Jose Mourinho ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhaawcyada iyo ganaaxa kooxdiisa ka hor kulanka El-clasico.

Real Madrid ayaa 31-kulan loogaga adkaanin Santiago Bernabeu dhaman tartamada iyadoo badisay 26 waxaana ay bar baro gashay 5 jeer.

Cristiano Ronaldo ayaa goolkisii 100 ku dhaliyay garoonka Bernabeu kulankii Getafe ee asbuucan kadib 87 kulan oo uu ku ciyaaray garoonkaas waxaana uu sidoo kale ahaa goolkiisii 179 ee Real Madrid kadib 176 kulan.

Kooxda Barcelona

Waxaa usoo laabtay Gerard Pique oo ganaax ka yimid iyadoo sidoo kale ay nasiino ka soo laaban doonaan Jordi Alba, Andres Iniesta iyo Cesc Fabregas oo la nasiyay kulankii Osasuna.

Barcelona ayaa adkaatay 8 jeer 9-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku soo ciyaartay banaanka .

Blaugrana ayaa isku cel celis ahaan 4-3 ku reebtay Real Madrid semi-final-kii Copa del sanadkii hore .

Barcelona xidigeeda weerarka ka ciyaara Pedro ayaa sameyn doona kulankii 200 aad ee Barca hadii uu ciyaaro caawa.
Xidigaha labada dhinac ee la gayabo in lagu soo bilaabo

REAL MADRID

Adan
Arbeloa, Albiol, Varane, Marcelo
Khedira, Alonso
Ozil, Modric, Ronaldo
Benzema

BARCELONA

Pinto
Alves, Pique, Mascherano, Alba
Xavi, Busquets, Fabregas
Pedro, Messi, Iniesta

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

1 Comment for “Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Real Madrid vs Barcelona”

  1. Axmad adan axmad jokar

    Barco 6: realmadrid :0 messi 4 padro 2 cr7 waxba umahayo cml

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

ยจ /iframe
Log in | Designed by Jimcale