HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


1,351 views

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda

Waxaa Qoray:

Kulanti wacan markale asxaabey ku soo dhowaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda manta oo sabti ah

=Koxda Liverpool ayaa ugu dambeyn si buuxda ula wareegtay weeraryahankii kooxda AS Roma Fabio Borini,xidigaan ayey kooxda Liverpool ku soo qaadatay aduun dhan 10 milion waxaana uu ku baasay caafimadka waxaana uu xiran doonaa nambarka 29 aad sida waxaa qortay Liverpool Echo

=Xidigii naadiga Liverpool Maxi Rodriguez ayaa si buuxda ugu biiray kooxdiisi hore ee Newell’s Old Boys ee wadanka Argentina ,xidigan 31 jirka ah ayaa soo gaba gabeyay labo sano iyo bar uu joogay kooxda Reds waxaana uu usaftay intii uu la joogay 73 kulan isagoo udhaliyay 17 gool sida waxaa qortay The Mirror

=West Ham ayaa soo xirtay saxiixa xidiga 24 jirka ah ee kooxda Sochaux weeraryahanka lagu magacabo Modibo Maiga, waxaana ay ku soo qaateen aduun dhan £5milion sidaa waxaa Daily Mail

=Kooxda heysata horyaalka Portugal ee FC Porto ayaa usheegtay kooxaha Manchester United and Tottenham in ay bixiyaan aduun dhan £30milion ,waa hadii ay ubaahan yihiin in ay qaataan 25 jirka lagu magacabo Joao Moutinho, sidaa waxaa qortay Metro

=Manchester United ayaa diyaarineysa iney sameyso dalab ku kacaya aduun dhan £10milion oo ay ku soo qaadaneyso daafaca garabka bidix ee kooxda Everton Leighton Baines, sidaa waxaa qortay The Times

=Taageerayasha kooxda Galatasaray ayaa si weyn usoo dhoweyay xidigii kooxda Real Madrid Hamit Altintop kaas oo xalay si buuxda ugu biiray kooxdas ,waxaana lagu iibsaday 3.5 milyan oo euro waxaana la siiyay nambarka 4 aad ,sidaa waxaa qortay Marca

=Kooxda Sao Paulo ee wadanka Brazil ayaa waxaa ku dhacay is badal iyadoo sheegtay in aysan diyaar u aheyn in ay kooxda Manchester United ka iibiso xidiga lagu magacabo Lucas Moura waxaana sidaas sheegay madaxweynaha kooxda Sao Paulo Juvenal Juvencio. Sida waxaa qortay Daily Mail

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

Log in | Designed by Jimcale