HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


673 views

Warar goos goos ah oo ku saabsan kubbada cagta

Waxaa Qoray:

Kulanti wacan asxaabey kuna soo dhowaada warar koob kooban oo ku saabsan kubbada cagta .

== Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester City Mario Bolatelli ayaa sheegay in ka tagaankiisii Premier ay sabab u aheyd ,Cimilada ,cuntada, saxaafada iyo gawari wadista Ingriiska oo dhamaabtood ah kuwa xun uuna dooqday magaalada Milan.

== Tababaraha xulka Spain Vicente Del Bosque ayaa sheegay in Torres iyo Michu ay wali mustaqbal ku lee yihiin xulka Spain ,laakin looga baahan yahay daadaal dheeraad ah ,iyadoo uu ka saaray xulkiisa ka hor tagaya Uruguay.

== Daafaca kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaa sheegay in kooxda Manchester United ay ka weyn tahay xulka Ingriiska uuna ku raaxeysto ciyaaraha Man United kadib wareysi gaar ah oo uu siiyay jariirada The Sun.

== Kooxda Manchester City ayaa eegeysa in ay soo qaadato weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez kadib markii ay iska iibiyeen Mario Bollateli ,waxaana ninkaan aad ujecel tababare Roberto Mancini.

== Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa sheegay in uu weydiistay tababaraha kooxdiisa Sir Alex Ferguson in laga wareejiyo rigoorooyinka kooxda kadib markii uu qasaariyay 10 rigoore waxaana laadi doona Van Persie .

 

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

2 Comments for “Warar goos goos ah oo ku saabsan kubbada cagta”

  1. mahad!casri

    wlm to city suarez viva aguero

  2. saajinka

    sxbkay baloMario Bolatelli waxaan kala saari wayay inaanu fayoobayn iyo in kubad cilaaj ahaan ugu soo biirayba waayo?
    afkiisa iyo dhagihiisuba isma maqalaan oo waa iska hadlaa sidi qof marfuucan qalan ah waxba hadlak dheerayn maayo
    lkn se waxaan leeyhay uun sidaad u madoowdahay buu qalibigaaguna u madoow yahna kkkkkkkkkkkkkkk akhyaata fikir wanaagsan

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

ยจ /iframe
Log in | Designed by Jimcale