Taariikhda kulanka FA Cup-ka ee Arsenal vs Blackburn
Waxaa Qoray: raafac

Kooxda Arsenal ayaa soo dhoweyn doonta kooxda heerka labaad ee Blackburn Rovers ,xili ay maanka ku heyso kulanka Champions League ee asbuucan oo ay ka hortagi doonto Bayer Munich .
Ogeysiiska ciyaarta
Tartanka : FA Cup
Kooxaha: Arsenal vs Blackburn Rovers
Garoonka: Emirates Stadium — London
Garsooraha ciyaarta : Mike Dean
Saacada ciyaarta ee geeska Afrika : 6:00 maqribnimo
Arsenal
Dhawaacyo cusub ma jiraan .
Waxaa shaki la galinaya Thomas Vermaelen.Jack Wilsher iyo Laurent Koscielny
Dhanka Blackburn
Ma jiraan dhawacyo iyo wax shaki laga galiyay kulankaan
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
ARSENAL:-Szczesny,Sagna, Mertesacker, Miquel, Monreal,Arteta, Diaby,Gervinho, Rosicky, Oxlade-Chamberlain,Podolski.
BLACKBURN ROVERS:-Kean,Orr, Dann, Hanley, Olsson,Pedersen, Murphy, Lowe, Olsson,Kazim-Richar
Xusuus kooban
Labadaan koox ayaa si fiican isku yaqaana waxaana markii ugu horeeyay ay isku arkeen koobka ay galabta ku balansan yihiin ee FA Cup-ka ,waxeyna aheyd 9-kii Febraayo 1901-dii ciyaar ku dhamatay 2-0 oo ay ku badisay Arsenal .
The Gunners ayaa marti qaaday Blackburn 60 jeer ,waxaana xusid mudan in kooxda Blackburn ay guul ka soo qaaday guriga Arsenal 8 kulan oo kaliya.
Dhamaan tartamada labadaan koox ayaa is arkay 119 jeer waxaana 58 jeer adkaatay Arsenal halka Blackburn ay badisay 30 kulan waxaana ay bar bar dhac noqdeen 31 kulan.
Ku darso Blackburn waa kooxdii ugu horeysay ee bar bar dhac ku gasha garoonka Emirates markii la furay.






Glbta insha alah wan badineyna aqyaarta arsenal 7 blackburen rovers 0 my name dj diama guul wcn inta taagerto arsenal