HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


222 views

Real Madrid vs Barcelona (Hordhaca iyo Taariikhda)

Waxaa Qoray:


Labada koox ee ugu quwada weyn Spain ayaa galabta dagaalami doona xili mid walba ay maanta ku heyso ciyaaraha Champions League .

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka: La liga

Kooxaha : Real Madrid Vs Barcelona

Garoonka : Miguel Pérez

Garsooraha ciyaarta : Miguel Pérez‎

Saacada geeska Afrika: 6:00 maqribnimo

 Real Madrid ayaa sida la filayo laacibiin badan u dhigan doonta kulanka adag ee ay bartamaha todobaadka la yeelan doonto Manchester United oo ay la ciyaarayso luga 2-aad ee wareegga 16-ka koobka horyaallada Yurub iyadoo sidaa darteed il daaf leh ku eegi doonta kulanka El Classico oo aan muhiimad wayn ugu fadhiyin ugu yaraan markan.

Marcelo, Luka Modric, Kaka iyo Karim Benzema ayaa kulankan kasoo muuqan kara maadaama ay ka maqnaayeen kulankii guusha ku dhamaaday ee lugtii 2-aad ee nus dhamaadka Copa del Rey oo ay Real 3-1 uga badisay Barca isla gegadeeda Camp Nou Talaadadii.

Daafaca Sergio Ramos ayaa kusoo laabanaya kooxdiisa kadib markii uu soo liqay ganaax hal ciyaar a, balse Angel Di Maria ayaan safan doonin kadib markii uu rooso ka qaatay kulankii Deportivo La Coruna.

Qanaaska Barcelona ee Lionel Messi ayaa la filayaa inuu soo laabto waloow uu tababarka kaga maqnaa qandho maalinimadii Arbacada. Daafaca Adriano oo dhaawac muruqa ah ku maqnaa ayaa isna soo laabanaya, balse Alex Song ayaa weli shaki yari ku jiraa isagoo jilibka ka sheeganaya.

Mala socotaa?

Real Madrid waxay badisay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ee ay gurigeeda ku ciyaartay iyadoo aan looga badin 24 kulan garoonkeeda.

Kooxda Los Blancos oo 3-1 uga adkaatay Barcelona Talaadadii, waxay taasi u ahayd guushii ugu waynayd ee ay ku hesho gegada Camp Nou tan iyo bishii Janaayo 1963-kii markaasoo ay 5-1 ku badisay.

Madrid waxay dhalisay 101 gool 42 kulan oo ay safatay tartamada oo idil taasoo ka dhigan celcelis ahaan 2.4 gool ciyaartiiba ama 2 gool iyo bar kulankiiba.

Barcelona waxay badisay 3 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo idil (3 guul, 2 barbarro, 2 guuldarro).

Kooxda Blaugrana waxay hal mar unbay ka adkaatay, 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay Real Madrid la yeelatay. Taasoo ka dhigan (1 guul, 3 barbarro, 3 laga badiyay).

Lionel Messi (bidix ku sawiran) wuxuu goolal dhalinayay 15 kulan oo xiriir ah oo ka tirsan horyaalka La Liga waloow uusan wax goolal ah ka dhalin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee koobabka kale.

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo

REAL MADRID:-Diego López,Arbeloa , Sergio Ramos , Pepe , Marcelo,Essien , Modrić,José Callejón , Kaká , Cristiano Ronaldo,K. Benzema

BARCELONA:Valdés,Dani Alves, Piqué ,Mascherano , Jordi Alba,Thiago, Busquets ,Iniesta,Pedro , Messi , David Villa

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

2 Comments for “Real Madrid vs Barcelona (Hordhaca iyo Taariikhda)”

  1. Guuled ahmed dhahar

    Manta wa malintanadi waxa badinaysa barca wayo habenki dhawa aya nalaga badiyay manta wa sidan barca 2 1 reyal madri

  2. Cimraan

    Guusha waxaa cawa iskale madrid

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

¨ /iframe
Log in | Designed by Jimcale