Nani oo shil gaari galay + Sawiro
Waxaa Qoray: raafac

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester United iyo wadanka Portugal Luis Nani ayaa lagu soo waramaya in uu ka bad baaday shil gaari oo dhacay maalinta shalay .
Sida ay ku soo warameyso jariirada Daily Mail gaariga Nani ee ah nuuca Bentley ayaa ku dhacay gaari ay laheeyeen booliska ka jawaaba xaaladaha deg deg ah oo ahaa nuuca Ford Mondeo la yiraahdo .
Shilkaan ayaa waxaa uu dhawac ka soo gaaray askari ka tirsan booliska oo gaariga sarnaa waxaana uu dhacay saacada UK markey aheyd 6.40pm ee shalay ,waxaana uu ka dhacay halka la yiraahdo Gatley Road, oo udhow Kingsway oo ka tirsan Stockport.
Afayeen uhadlay ciidamada wadooyinka ayaa sheegaya in ay barayaan wixii keenay shilkaan .







Waa layaab malaha binchiga ayu ku caajisay laacibkaan