Micheal Carrick” waxaan ubaahnahay sadex ciyaariyahan oo joojisa Ronaldo”
Waxaa Qoray: raafac
Xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Micheal Carrick ayaa sheegay in kooxdiisa United ay ubaahan tahay in ay sadex ciyaariyahan uxil saartay in ay joojiyaan weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo.
Ka hor kulanka habeen dambe Micheal Carrick ayaa aaminsan in Ronaldo uu yahay mucjso ayna adag tahay in la celiyo dhaq dhaqaaqiisa ,waxaana uu qiray United ay waajib ku tahay in ay hesho labo ilaa sadex joojiye oo ugaar ah Ronaldo.
Kubbad sameeyahay United ayaa aaminsan in hadii la joojiyo Ronaldo ay la mid tahay in la joojiyay Madrid oo dhan ,waxaana uu wax iska fudud ka soo qaaday ciyaartooyda kale ee kooxda Real Madrid.
“Qof walba ayaa xasuusan doona Ronaldo ,waxaan ogahay in uu yahay mucjso waana muhiim in aan yeelanaa sadex qof oo isaga ugaar ah ayuu Micheal Carrick usheegay The Sun.
31 jirka United ayaa aaminsan in kulanka Real Madrid iyo Man United uu noqon doono mid goolal badan la iska dhaliyo.





Waxaan filaa in aay tahay ciyaartaas ciyaar kulul sabtoo ah labada koox waa laba koox oo abood leh maadaama kooxda real loo maleynaayo in aay kayara abood sareyso kooxda man united ronaldana waa la cili doonaa maadaama uu yahay ciyaaryahan jecel in wax ka dhaliyo kooxdiisa hore mana noqon doonto in uu dabaaldag wanaagsan ka keeno man united