HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


443 views

Messi iyo Lampard oo ku jira shaqsiyad lagu casuumay kulan lagu sagootinaayo Michael Ballack

Waxaa Qoray:

Ciyaar saaxiibtinimo oo lagu sagootinaayo Kaptankii hore ee xulka Germany Michael Ballack ayaa lagu wadaa 5-ta Bisha May ee sanadkaan 2013-ka in ay ka dhacdo garoonka Red Bull Arena ee magaalada Leipzig. Kulankaan oo lagu casumay Laacibiin iyo Tababarayaal caan ah waxaanu ka xusi karnaa oo uu Ex-Player Michael Ballack marti qaaday : Bastian Schweinsteiger iyo Philipp Lahm (Fc Bayern Munchen) , Weeraryahankii hore ee Fc Chelsea iyo Ac Milan Andriy Schevtschenko, Macalimiinta kala ah Otto Rehagel, Rudi Völler ,Jürgen Klinsmann iyo Jose Morinho. 

Ciyaaryahan Michael Ballack oo 36 jir ah ayaa sidoo kale waxa uu marti qaaday Laacibiinta kala ah Lionel Messi (FC Barcelona) iyo Frank Lampard (Fc Chelsea) wuxuuna sidoo kale sheegay in uu soo wado Liis kale oo ay ku qoran yihiin Laacibiin kale oo uu Telfoon ku wacay balse uu ka sugaayo Jawaab.

Kulanka Ciyaaryahan Michael Ballack lagu sagootinaayo oo gudaha dalka Germany ka noqday midkii ugu hadal heeynta badnaa waxaa loo baxshay kulankaan ” Ciao Capitano ” (Nabadgalyo Kaptaano)

Xiddigaan oo dhanka Qadka dhexe aad ugu wanaagsanaa waxaa uu Taariikh ahaan u soo ciyaaray kooxaha kala ah Chemnitz , Kaiserslautern , Bayer Leverkusen , Bayer Munchen ,Fc Chelsea iyo mar kale Bayer Leverkusen.

Michael Ballack ayaa xulka Germany u saftay 98-kulan wuxuuna u dhaliyay 42-Gool balse guud ahaan kooxihii uu u soo ciyaaray ayuu u saftay 451-kulan kaas oo u saxiixay 107-Gool.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

2 Comments for “Messi iyo Lampard oo ku jira shaqsiyad lagu casuumay kulan lagu sagootinaayo Michael Ballack”

  1. caabi

    waa arin fiican waayo wakhtigii ballack wuu dhamaaday sxbkii lampard aad ayay isku jeclaayeen meesina waxa ka dhaxay jiray ficil waa gii chelsea uu joogay ballack

  2. [...] Munchen) , Weeraryahankii hore ee Fc Chelsea iyo Ac Milan Andriy Schevtschenko, Macalimiinta kala ah Otto Rehagel, Rudi Völler ,Jürgen Klinsmann iyo Jose [...]

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

¨ /iframe
Log in | Designed by Jimcale